Kulankii 15 Aad Ee Maayirda Somaliland oo Boorama Ka Furmay

0
621

Boorama (Hargeisa Press)- Waxaa maanta magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal si rasmi ah uga furmay kulankii 15-aad ee Maayirada dalka Somaliland.

Kulankan oo sanadkii hal mar la qabto ayaa waxaa lagaga hadlaa waxyaabihii dawladaha Hoose u qabsoomay iyo waxyaabaha ay qaban doonaan sanadaha soo socda.

Sidoo kale, Kulankan maayirada dalka uga furmay magaalada Boorama ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimeyaasha Wasaaradaha Caafimaadka, Waxbarashada, Gaadiidka, Arrimaha Gudaha.

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here