Sannad Kadib Dhimashadii Jamal Khashoggi oo La Xusay

0
646

Istanbul (Hargeisa Press) – Sannad kadib markii weriye Jamaal Khashoggi lagu dilay qunsuliyada Sucuudigu uu ku leeyahay Istanbul oo maanta hal sano laga joogo ayaa la xusay.

Haweenaydii uu damacsanaa inuu Guursado Jamal Khashoggi oo magaceeda la yidhaa Hatice Cengiz, oo heysata dhalashada dalka Turkiga, ayaa la kulantay dadka u ololeeya iyo asxaabtooda xaflad si rasmi ah u bilaabatay 1:14 p.m. (6:14 a.m. ET) Arbacada dibedda qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul, iyada oo la xusayo daqiiqada uu Khashoggi galay dhismaha, iyo sida aanu waligiisna uga soo bixi doonin.

Haweenaydan ayaa jawaab ka sugaysa dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammed bin Salmaan, kaasoo CIA ay soo gabagabeysey baadhidii Khashoggi. Bin Salmaan, oo loo yaqaan MBS, ayaa dhowr jeer beeniyay inuu lug ku lahaa dilka.

“Maxaa loo diley Jamaal maxaa shacabka aan loogu wargalin geerida illaa iyo hadda?” Cengiz waxay sidaa ku sheegtay waraysi ay siiyay wakaaladda wararka ee Associated Press. “Tusaale ahaan, garan mayno halka uu maydkiisu yaallo. Waxaan dareemayaa walaac, cabsi iyo waxyaabo yaab leh oo aanan sheegi karin,” ayay tidhi markay dib ugu laabatay qunsuliyadda. “Sannadkii hore, aniga keligay ayaan sugayay Jamaal. Sannadkan adduunka oo dhami way ila sugi doonaan Jamaal – laakiin waxaan sugi doonnaa caddaaladda Jamaal.”

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY