Kooxaha Argagixisada oo Dhaqaale Urursi ka Bilaabay Puntland iyo Shirkadaha Waaweyn oo ka Qaxaya Boosaaso

0
315

Boosaaso,(HargeisaPress)– Kooxaha Argagixisada ayaa handadaad culus ku haysa Shirkadaha waaweyn ee maamul-goboleedka Puntland, kuwaas oo ay weydiiyeen lacago tiro badan. xilli ciidammada Puntland ay ku soo duuleen Somaliland isla markaana dagaal kusoo qaadeen Magaalada Laascaanood, halkaas oo ay ku kufsadeen gabadh isla markaana nin ganacsade ah ku dileen magaalada dhexdeeda.

Garowe Online oo ka mid ah Warbaahinta ugu caansan maamul-goboleedka Puntland, ayaa ilo lagu kalsoon yahay ka heshay in Shirkadda Al-Macruuf ay dhawaan bartilmaameedsadeen kooxaha xagjirku dukaan weyn (Super Market) ay shirkadaasi ku leedahay Magaalada Boosaaso, taas oo keentay in albaabada loo xidho dhammaan ganacsigii shirkadaasi ee magaalada Boosaaso.

Garowe Online waxay intaa ku dartay in kooxaha argagixisadu ay shirkadda Al-macruuf ka dalbeen $500.000, waxana tallaabadaasi ay anfariir ku ridday ganacsatada magaalada Boosaaso. waxaanay kooxaha argagixisadu bilaabeen inay lacagaha baadda ah ka urursadaan magaalada.

Maamulka Garoowe wax jawaab ah kamay soo saarin halista soo food-saartay ganacsatada Boosaaso oo magaalada uga qaxaya cabsi isa soo taraysa.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli ay ka jirto Puntland hubanti la’aan siyaasadeed iyo shaqaalaha iyo Ciidamada Dawladda oo aan wax mushahar ah qaadan muddo shan bilood ah.

Wargeyska Dawan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here