Hargeysa: Wasaaradda caafimaadka oo ka warbixisay xaaladda xannuunka Covid-19

0
610

Hargeysa (HargeisaPress)—Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo si maalinle ah ula hadla warbaahinta oo ka warbixiyey halka uu marayo xaalada xannuunka Korona Fayras 24 saacadood ee u dambeeyey.

Ugu horayn agaasimaha guud ee caafimaadku Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye waxa uu sheegay inay baadhitaan ku sameeyeen 24 saacadood ee u dambeeyey dad tiradoodu ay gaadhayso kun iyo saddex boqol iyo sideed iyo todobaatan qof(1378), isagoo cadeeyey in aanay jirin wax kiis cusub ah oo ay dadkaas ka heleen, iyagoo dadkaasi ay ka soo kala gudbeen xuduudaha uu dalku leeyahay, waxa kale oo uu xusay inay la soo xidhiidheen xarunta guud ee la socodka xannuunka Covid-19 24 saacadood ee u dambeeyey dad tiradoodu dhan tahay saddex iyo toban kun boqol iyo lix iyo afartan qof(13146 qof) halka tirada guud ee xaruntaas la soo xidhiidhay ay tahay saddex boqol iyo sideetan kun boqol iyo lix iyo toban qof(380116).

Geesta kale, agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadku waxa uu sheegay inay socoto hawsha diiwaan galinta hawl wadeenada caafimaadka ee ku shaqaynaya sida mutada-wacnimada ah, isagoo tilmaamay inay is diiwaan galiyeen 774 xirfadlayaal caafimaad ah.

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, waxa uu bulshada u soo jeediyey inay galaan diyaar garaw kii ugu sareeyey oo ay sii xoojiyaan dedaalkoodii hore, si hadii ay soo baxaan bukaano cusub aanu u faafin xannuunka sida ba’an u faafa ee Korona Fayras.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here