Komishanka Xakamaynta AIDs Oo Wacyigelin U Qabtay Dab-demiska Hargaysa

0
343

Hargaysa (HP): Komishanka xakamaynta xanuunka HIV/AIDs ayaa maanta barnaamij wacyigelin ah u qabtay shaqaalaha, iyo masuuliyiinta Dab-demiska caasimadda Hargaysa.


Kulankaasi wacyigelinta ah oo lagu qabtay xarunta ciidanka dab-damiska ee caasimadda Hargaysa, ayaa komishanka xakamaynta HIV/AIDS-ku uu ciidanka kaga wacyigaliyay xanuunkan HIV/AIDS-ka.

Waxaana ka qayb galeyaasha loogu sharraxay siyaabaha kala duwan ee la isugu gudbiyo.

Agaasimaha wacyigalinta iyo abaabulka ee komishanka xakamaynta HIV/AIDS-ka Maxamed Xaaji Yaasiin, oo hogaaminayay kooxda wacyigalinta u samaysay ciidanka dab-damiska ayaa si qoto dheer u faah-faahiyay xanuunkan iyo siyaabaha kala duwan ee loo kala qaado, ama la isugu gudbiyo.

Waxaanu ciidamada Dab-demiskabku boorriyay inay is baadhaan isla markaana aan la takoorin dadka la nool xanuunkaasi.

Maxamed Xaaji Yaasiin, oo ka warbixinayay siyaabaha loo kala qaado HIV-ga, ayaa sheegay in arrinta ugu muhiimsani ay tahay in la baadho marka qofka Dhiig lagu shubayo.

Waxaanu yidhi, “Arrinta u baahan in aynu ku dedaaln, waxay tahay sidii aynu u bad-baadin lahayn jiilka danbe ee dhalan doona, iyo sidoo kale nafaheena ba in ay ilaalino.

Shayga uhu muhiimsani waa is-baadhida caafimaadka qofka.
Waxaana muhiim ah in marka qofku uu Dhiig u baahdo, in Dhiiga lagu shubayo shay-baadhka la mariyo”.

Geesta kale xubno ka mida shaqaalaha komishanka xakamaynta AIDs-ka, ayaa halkaa ugu sharaxay ciidanka dab-demiska siyaabaha kala gedisan ee la isugu gudbiyo xanuunkaasi.

HALKAN KA DAAWO: WARKAASI:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here