Komishanka Tamarta Somaliland Oo Digniin U Dirtay Shirkadaha Korontadda

0
409

Hargaysa (HP): Xukuumadda Somaliland ayaa digniin u dirtay qaarka mid ah shirkadaha bixiya adeega korontada oo kor u qaaday qiimaha laydhka.
Guddoomiyaha komishanka Tamarta Somaliland Axmed Faarax Caddare, oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargaysa ayaa fariinta digniinta ah u diray shirkadaha bixiya addeegyadda korontadda.
Shirkadaha digniintu ku socoto, ayaa fulin waayay amar ay xukuumaddu ugu jaangoysay shirkadaha qiimaha korontada ay bixiyaan, oo ay amartay in halkii unit lagu iibiyo $0.39.
Halka shirkadaha amardiida sameeyay ay ku iibinayaan $0.84 halkii unit, qiimahaa oo bulshadu aad uga qaylisay.
Axmed Faarax Cadarre, ayaa sheegay in anay aqbalayn in macaamiisha qiimaha lagu kiciyo, waxa kale oo uu sheegay in shaqada koomiishanka tamartu tahay ilaalinta danta macaamiisha iyo ganacsada.
Shirkadaha bixiya adeega korontada ee Somaliland, ayaa shir ay yeesheen kadib isku raacay in ay qiimaha korontada kor u qaadan, taasi oo xukuumadda Somaliland ganafka ku dhufatay.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here