Xubno Ka Socday Wasaaradda Deegaanka Xeer Ilaalinta iyo Maxkamadaha Oo Tababar Kaga Qayb Gallay Uganda

0
523

Kampala (HP): Waxaa maanta dalka Yugaandha Caasimadiisa Kampala tababar ugu soo Xidhmay Xubno Kala socday Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL xeer ilaalinta iyo Maxkamadaha.


Tababrka oo socday mudo 21 Cisho ah ayaa ku Saabsanaa sidaa looga hortago Dhibaatooyinka loo Geysto Duurjoogta iyo Weliba Sharciyada ilaalinta Duurjoogta.
Sidoo kale waxaa lagaga wada hadal sidii Somaliland iyo yugaandha iska kaashan lahaayeen Ilaalinta Duurjoogta waxaan xooga la saaray Dhanka Shuruucda ee ilaalinta Duurjoogta.
Waxaa layskula qaatay in labada dalka ka wada shaqeeyaan sidii dhan looga soo wada jeesan lahaa cidkasta oo Dhibaataynaaysa Duurjoogta.


Ugu Danbeyntiina waxaa loo balay in labada dal iskugu yimaadaan Kulamo badan oo lagaga wada hadlaayo Ilaalinta iyo Dhibaatooyin ka dhan ah duurjoogta.
Waxaan tababarkan Bixineysay NRCN Conservation oo ka wakiil aheed jaamacada Colorado state University oo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Kala shaqeysa Arrimaha Duurjoogta.
Iyadoo ay jireen tababaro ay horena u qabtay Shaqaalaha Waaxda Duurjoogta ee Wasaaradda Deegaanka kuwaas oo kor loogu qaadaayey aqoonta iyo weliba Shuruucda Ilaalinta Deegaanka.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here