Madaxweyne Biixi Oo Kormeeray Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta

0
407

Hargaysa (HP): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeer shaqo ku soo maray xarunta wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee magaaladda Hargaysa.


Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyeyaal ciidan iyo xubno kale oo xukuumadda katirsan, ayaa soo indho indheeyey xarunta wasaaradda.


Waxaana halkaas ku soo dhaweeyey masuuliyiinta wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaraddaas, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani).
Madaxweynaha, ayaa kormeeray xafiisyada kala duwan ee ay wasaaraddu ka kooban tahay oo shaqo maalmeedka caadiga ahi ka socotay.
Waxaanu warbixinno ka dhegaystay masuuliyiinta wasaaradda, kuwaas oo uu ku bogaadiyey hannaanka ay shaqadooda qaran u gudanayaan.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here