Guddoomiyaha UCID Oo Magacaay Wakiilka Jarmalka U Qaabilsan Xisbigaasi

0
836

Germany (Hargeisa Press.com): Guddoomiyaha xisbiga cadaaladda iyo daryeelka ee UCID ayaa Mustafe C/raxmaan Muumin, u magacaabay guddoomiyaha laanta dalka Jarmalka u qaabilsan xisbigaasi.

Mustafe C/raxmaan Muumin, oo ah guddoomiyaha jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay xilka loo magacaabay, isla markaana uu guddoomiyaha UCID uga mahad naqayo xilka uu u gartay.

Masuulkan cusub ee xisbiga UCID u qaabilsanaan doona dalka Jarmalka  oo kadib markii ay soo baxday magacaabistiisu dareenkiisa warbaahinta la wadaagay ayaa balan qaaday in uu sii dar-dar gelin doono hawlaha xisbiga ee dalkaasi.

Halkan Ka Daawo Mustafe C/raxmaan Muumin Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here