Kolonyo Ay La Socdeen Ciidamada AMISOM oo Lagu Weerarray Magaalada Muqdisho

0
594

Muqdisho (Hargeisa Press)- Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar lagu qaaday Kolanyo ay la socdeen ciidamada AMISOM oo mararayay agagaarka Isgoyska SOS oo ka tirsan degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho

Qaraxan ayay goobjoogayaal sheegeen in loo adeegsaday Miino la dhiggay wadada dhinaceeda, waxaana lagu beegay qaraxa xili ay halkaa marayeen ciidamada AMISOM.

Dad ku sugnaa goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in ay arkeen dhaawacyada laba  ruux oo Shacab ah,kuwaas oo ku sugnaa halka uu qaraxu ka dhacay

Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha kasoo gaadhay ciidamada AMISOM  qaraxaasi Miino, waxaana lagu soo waramayaa in ciidamadu ay joojiyeen  isku socodka dadka iyo gaadiidka wadada isku xidha xaafada Suuqa Xoolaha ilaa iyo Isgoyska Ex-Koontorool Balcad.

Ciidamada AMISOM ayaa mararka qaarkood weerarro u badan qaraxyo miino lagula eegtaa wadada isku xidha Ex-kontrol Balcad, SOS illaa suuqa  Xoolaha ee degmada Heliwaa.

 

Hargeisa Press.com/Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here