Khilaafka Xisbiga Ucid Waa Mid u Dhaxeeya Gudoomiyaha iyo Xisbiga..W/Q Xuseen Xasan Badmaax.

0
798

Beryahan waxa sii xoogaystay khilaafka ka taagan xisbiga ucid oo dhaliyay xil ka qaadista Gud.Faysal kula kacay xubno ka tirsan madaxda xisbiga ucid,.talaabadaa oo baalmarsan xeerka xisbiga.Markaynu hadaba eegno xeerka xisbiga ucid waxa ku cad hogaanka sare ee lagu doortay shirweyne inaanay jirin awoodo ay xilka iskaga qaadi karaan.Balse maamulka ayay ku kala sareeyaan,Waxaanay sidaasi ku cadahay xeerka xisbiga qodobka 26aad firqadiisa 2aad:

 

Hadii ay timaado in hogaanka sare xisbiga xubin ama xubno ka mid ah ay lumiso xilkii ay xisbiga u haysay si waafaqsan xeerka waxa awood u leh soo buuxinta xubinta buuxinta banaanaata Golaha dhexe ee xisbiga ayada oo cod 1/3 ku dooranaya musharaxiinta ku tartamaya jagada/jagooyinka banaanaata.

 

Halkaa waxa inooga cad Gudoomiye Faysal inaanu xilka ka qaadi Karin gudoomiyaha 3aad ee xisbiga Mj.Cali Guray.Qodobkani waxa kale ku cad inaanu Gud.Faysal magacaabi Karin xoghaya guud ee xisbiga balse waxa soo buuxinaya golaha dhexe.Sidaa darteed xilka qaadista iyo magacaabista Gud.faysal uu warbaahinta ku baahiyay dhamaan waa waxba kama jiraan,waxaanay baalmarsanyahiin xeerka xisbiga.

 

Mar labaad qaab dhismeedka xisbiyada waxay ku caddahay xeerka No.14 qodobkiisa 25aad:

4.Shirweynaha xisbiga waxa lagu soo dooranayaa:

b.Xubnaha hogaanka xisbiga iyo gudida fulinta.

t..Xubnaha golaha dhexe ee xisbiga.

6.Hogaanka xisbigga,gudida fulinta iyo xubin golaha dhexe waxa xil ka qaadistooda

Soo jeedin kara:

b.1/3 xubnaha golaha dhexe ee xisbiga.

j..Gudoomiyaha xisbiga

waxaana cod kala badh iyo hal ku ansixinaaya xubnaha golaha dhexe.

 

Qodobkaa 25aad gaar ahaan firqadiisa 6aad waxa ku cad Gud.faysal inaanu awood u lahayn xil ka qaadista xubnaha hogaanka sare,xubnaha golaha dhexe iyo xubnaha gudida fulinta midnaba

Waxa Iyana jirta gudida anshaxa ee Gud.Faysal adeegsado ayuu ku magacaabay sifo aan sharci ahayn,awooda magacaabista gudida anshaxa waxa awood sharci u leh inay magacaabaan waa golaha dhexe, sida ku cad xeerka xisbiga ucid qodbka 34aad firqadiisa 2aad:

 

2.Kalfadhiga ugu horeeya ee golaha dhexe yeesho shirweynaha kadib waa in lagu sameeyaa gudi anshax oo heer qaran ah.

3.Tirada gudida anshaxu heer qaran waa in ay noqotaa sagaal(9)xubnood.

 

Waxa aan cadaynayaa golaha dhexe inaanu magacaabin gudida anshaxa balse Gud.Faysal iskii u magacaabay, taasina ay xaaraan tahay,magaca xisbigana aanay cidna ku anshax marin Karin.Waana hawl u taala golaha dhexe ee xisbiga ucid.

 

Waxa aan u soo jeedinayaa cid kasta oo ka tirsan xisbiga ucid inay joojiso talaabooyinka sii hurinaaya khilaafka haatan jira.Waxa kale oo aan ku talinayaa xoghayaha golaha dhexe inuu talaabo sharci oo dhakhsaa qaadaa,isuguna yeedhaa xubnaha golaha dhexe si xal loogu helo khilaafka xisbiga cagaha jaray.

 

 

Xuseen Xasan badmaax

Hargeysa, Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here