Madaxweynaha Djibouti oo ka Hadlay Guushii uu gaadhay iyo Mucaaradka oo Cabanaya + SAWIRRO

0
1309

Djibouti, (HargeisaPress) β€”Madaxweynaha dalka Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle oo Markii Afaraad loo doortay Xilka Madaxweynaha ee Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa sheegay maanta inuu ku faraxsan yahay in shacabka reer Jabuuti ay mar kale isaga u doortaan xilka, iyadoo Musharraxiintii axsaabta mucaaradka ahaana ay natiijada doorashada kasoo baxday cabasho ka keeneen.

 

Geelle, oo Xukumayay dalka Jabuuti tan iyo Sannadkii 1999-kii, ayaa Hadal uu Maanta ka jeediyay Tv-ga Jabuuti ku sheegay, inuu horay kalsooni weyn ku qabay in shacabku ay dib u soo dooranayaan. Iyadoo Natiijadii doorashada ee ay ku dhawaaqday wasaarada arrimaha guduhu ay ku sheegtay, in uu Geelle ku Guuleystay 86.68% codadkii doorashadii shalay ka dhacday dalkaas.

Murashaxiii Madaxweynaha ee Isbahaysiga Mucaaradka dalka Jabuuti Cumar Cilmi Khayre
Murashaxiii Madaxweynaha ee Isbahaysiga Mucaaradka dalka Jabuuti Cumar Cilmi Khayre

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

β€œShacabka Jabuuti, waxay mar kale igu aamineen xafiiska ugu sarreeya Jabuuti,” ayuu yidhi Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo 68-jir ah. Isagoo ku daray. β€œWaxaan si dhab ah u ogsoonahay inaad ii doorateen inaan hawlihii horumarinta ahaa ee dalka ka socday aan ka sii wado halkoodii, waana kasii wadi doonaa.”

 

Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa lagu ammaanaa horumarka uu muddooyinkii ugu dambeeyay gaadhsiiyay dalka Jabuuti, iyadoo dalkaas uu saaxiibbo aad u dhaw uu la yahay Mareykanka, Shiinaha, Japan iyo waddamada ee Khaliijka Carabta.

Madaxweynaha_Jabuuti_Doorashadiiii_ka_hadlay (7)

Murashaxa kusoo xiga Geelle dhanka natiijada, Cumar Cilmi Khayre oo 7.32% codadkii la dhiibtay ayaa si aad ah u dhaliilay Natiijadii Doorashada. Waxaana Doorashadii Jabuuti ka dhacday ay codadkooda ka dhiibteen shacab lagu qiyaasay 187,000 oo qof.

 

iro ka mid ah murashaxiintii la tartamay Geelle, ayaa sheegay in xubnihii Wakiilladii uga ahaa Doorashada laga eryay goobihii Codadka laga Dhiibanayay ee Jabuuti intii ay socotay doorashadii madaxweynenimo ee shalay dhacday.

ismail omar guelleh

Sidoo kale, Murashaxiinta Mucaaradka Jabuuti ayaa Xukuumadda ugu baaqay inay habeyn ku sameyso doorashooyinka iyo qaababka ay u dhacayaan, iyagoo aan sheegin wax diidmo ah oo ay ka qabaan doorashadii shalay dhacday ee uu mar kale ku guuleystay Geelle.

 

β€œWaxaan weydiisanaynaa xukuumadda inay hagaajiso, ayna dib u habeyso doorashooyinka ka dhacaya Jabuuti,” ayuu yidhi C/raxmaan Jaamac oo ahaa Musharax si Madax-banaan ugu tartamayay hoggaanka Jabuuti.

 

Ugu dambeyn, Murashax Cumar Cilmi Khayre oo ka socday isbahaysiga mucaaradka ah ee Jabuuti USN, ayaa sheegay inuu la amakaagay yahay natiijada doorashada, isagoo xusay in mucaaradka culeys weyn la saaray intii ay doorashadu socotay.

Madaxweynaha_Jabuuti_Doorashadiiii_ka_hadlay (6)

Dalka Jabuuti oo ah dal ku yaalla Geeska Afrika, ayaa waxaa shantii Sannaba mar ka dhacda doorashada madaxweynenimada iyadoo dhowr jeer oo is xiga dadka Jabuuti doorteen madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ay sheegeen inuu yahay mas’uul Jabuuti ka qabtay hawlo badan oo la taaban karo.

 

 

Muna YusufΒ  HargeisaPress β€”Β  Djibouti

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here