Khasaaraha Weerar Xoogan Oo Xalay Dablay Hubaysani Ku Mirtay Gurriga Badhasaabka Gobolka Awdal

0
923

Borama, (HargeisaPress) — Badhasabkii Gobolka Awdal Mr Raamax oo xalay ka badbaaday isku day dil, halka Afartiisi ilaaliyena labbana la dilay, labbadii kalena dhaawac culusi uu soo gaadhay.

Kooxo aan ilaa wakhtigan la aqoonsan ayaa xallay weerar culus ku qaaday Guriga Badhasaabka Borama Mr. Ramaax waxaanay kooxdaasi dishay ilaaladii Badhasaabka.

 

Wararku waxay sheegayaan in ciidama Qaranka ee Degen Duledka Borama ka soo gaadhen Badhasaabka oo la sheegay in wakhtigaasi kooxaasi albaabka ku jabinayeen Badhasaabka iyaga oo doonaya in ay Dilan.

 

Ciidama qaranka ayaa Amaanka Borama la wareegay iyaga oo qaarna qabta qaarna ku dabba jira kooxdii doonaysay in ay badhsaabka dilan. Ilaa wakhtigan xukumada Somaliland kamay hadal dhacdada. Laakiin waxa la filayaa in sacadaha soo socoto ka hadasho.

 

Werarka xallay saqbadhkii lagu qaaday badhsabka Awdal ayaa ah mid Somaliland ku cusub.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here