Khasaaraha Weerar Al-shabaab Ku Qabsatay Hotel Muhiim Ah Oo Muqdisho Ku Yaala + SAWIRRO

0
833

MOGADISHU. Ugu yaraan 7 qof oo 3 Askarta Dawladda ahi ku jirto ayaa ku dhintay tiro intaa ka badana way ku dhaawacantay weerar Xooggaga Al-shabaab galinkii dambe ee Jimcaha ku qaaday Hotelka Makka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.

hma4

Dadka weerarka ku dhintay waxaa ku jira safiirkii Somalia u fadhiyay wadanka Switzerland Yuusuf Bare-bare. waxaa burbur xooggani soo gaadhay hotelka, sidoo kalena Korontada ayaa ka go’day, waxaana aagga hotelka xidhay Ciidamada Amaanka

Hotelkan oo caan ku ah inay joogaan Masuuliyiinta dawladda, kuna jira meelaha aadka loo ilaaliyo ayaa dablay Al-shabaab ka tirsan isku qarxiyeen kadibna koox hubaysani gudaha u gashay, iyagoo halkaasi muddo saacado ah gacanta ku hayay.

Mogadishu attack

Ciidamada sida Gaarka ah u tababaran ee Somalia ayaa kadib markii ay muddo kor joogeen gudaha u galay islamarkaana sheegay inay dhamaan toogteen kooxdii weerarka gaysatay sidoo kalena ay badbaadiyeen dad halkaasi ku sugnaa.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay Masuuliyadda Weerarka “Annaga ayaa ka dambeynay weerarka Makka Al-mukarama, dagaalkuna wali gudaha hotelka ayuu ka socdaa” ayuu Reuters u sheegay afhayeenka hawl galada Alshabaab Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab intii uu socday dagaalku.

hma8

Saraakiisha hoggaaminayay howlgalka Ciidanka Somalia dib ugu qabsaday Hotelka ayaa shaaciyay inay ciidamadu soo badbaadiyeen dad isugu jira mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, ganacsato iyo siyaasiyiin hoteelka ku jiray markii ay kooxaha hubeysan qabsanayeen.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

fikirkaaga

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here