Kenya oo Hakisay Dal-ku-galka Baasaboorka Soomaaliya

0
1470

Nairobi (Hargeisa Press) – Dowladda Kenya, ayaa markale hakad galisay dal ku-galka baasaboorka Soomaaliya, taasi oo saameyn xoogan ku yeelatay Ganacsatada Soomaalida ee ka shaqaysta xarumaha lagu iibiyo tigidhada diyaaradaha.

Qaar kamid ah Ganacsatada Soomaalida oo la hadlay Idaacada VOA, ayaa ka walaacsan saamayn xoogan oo uu ganacsigooda ku yeeshay hakad ku yimid dal ku-galka Kenya, iyada oo culeyskaasi uu sidoo kale saameyay bulshada Soomaalida ee u safraysa Kenya.

“Qofka marka uu Visa helin ma goosanayo tigidh, dhaq-dhaqaaqa ayaa yaraanaya oo diyaaradaha Soomaalida inta badan waxay dib uga soo qaadan marka ay gobolada Soomaaliya kasoo baxayaan waa dad wata Baasaboorka Soomaaliya. Saameynta u weyn xataa waxaa dareemay diyaaradaha”

“Sababta ay arrintan u dhacday wax cad ma jiraan, dowladda Kenya ayaa waxay go’aansatay inaanay Visaha siin Baasaboorada Soomaaliya, haddii la helana waa wax adag oo wakhti badan ku xidhan oo mararka qaarna la helayn.”

Illaa hadda majiro war rasmi oo kasoo baxay dowladda Kenya oo ay ku sheegayso inay joojisay dal ku-galkeeda Baasaboorka Soomaaliya, hase yeeshe arrintan ayaa ah mid si weyn loo dareemay.

Dhinaca kale, Masuuliyiin ka tirsan Safaarada Soomaaliya ee Kenya, ayaa sidoo kale arrintan qiil uga dhigay inay saameysay kala wareega masuuliyiinta dowlada cusub ee dalka Kenya, dibna ay u bilaabi doonaan.

Madaxda Soomaaliya iyo Kenya oo horaantii bishii 9-aad ee sanadkan wada-hadalo ku yeeshay magaalada Nairobi, ayaa ku heshiiyay in la fudeydiyo isku socodka iyo ganacsiga labada dal, taasi oo qeyb ka aheyd heshiiskii lagu fasaxay Qaadka Kenya ee iman jiray Soomaaliya.

Si kastaba, Kenya ayaan fulin xitaa hal qodob oo ka mid ah heshiiskaas, waxaana cad in mar kale madaxda Soomaaliya laga saxeexay heshiisyo been ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here