Muuse Dhegaweyne: Halgamaa Door Ku Lahaa Halgankii-Xorraynta iyo Xorriyada Saxaafadda Somaliland

0
812

Hargeysa (Hargeisa Press) – Allah haw naxariistee, waxaa magaalada Hargeysa ku geeriyooday, Marxuum Mujaahid Muuse Axmed Ibraahim (Dhagaweyne), oo dadka qaar u garanayeen (Camo).

Marxuumka, ayaa muddooyinkii u danbeeyay xannuunsanayay, ayaa xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalayay Cusbitaalka Hargeysa, isagoona u geeriyooday xannuunkaasi soo wajahay.

Mujaahid Muuse Axmed Ibraahim (Dhagaweyne), ayaa Aas qaran loogu sameeyay Xabaalaha Baqiic ee Waqooyiga magaalada Hargeysa, waxaana Aaska marxuumka ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, ganacsato, culimo, qaar ka mid ah bahda warbaahinta  iyo dadweyne tiro baddan.

Sawirka dhinaca Midig waa Mujaahid Muuse Axmed Ibraahim (Dhagaweyne),oo la sawiran mujaahidiin kale.

Muuse Dhagaweyne, ayaa wuxuu kasoo qayb qaatay halgankii xoraynta iyo dib u dhiskii dalka, isagoo xilligii xukuumadii Madaxweyne Cigaal ee sagaashanaadkii noqday Sarkaal Madaxtooyadda ka tirsan, isla markaana wuxuu door weyn ku lahaa geedigii saxaafadda xorta ah iyo xoriyatul qawlka ee xilliyadaa.

Wuxuuna ka mid ahaa shaqsiyaad kooban mar walba garab istaaga sidii ay saxaafadda Somaliland ee curdinka ahayd oo duruufo adag ku shaqaynaysay u noqon lahayd mid hanaqaada oo meel marta, taas oo maanta midhaheedii ka muuqdaan dalka.

Marxuumka oo ahaa shaqsi dabeecad wanaagsan ixtiraam baddan, wuxuu ahaa shaqsi inta baddan xarrumaha warbaahinta iyo weriyayaasha ka hawlgala oo xilligaa ku shaqaynay duruufaha adag garab taagan, isla markaana ku guntada intii itaalkiisa ah mushkiladdaha soo waajaha, isagoo si naf-hurnimo ah uga hawlgeli jiray maarayntooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here