Turkiga oo Duqeyn Ka Geystay Saldhigga Milateriga Mareykanka Ee Suuriya

0
536

Duqeymaha cirka ee Turkiga oo qeyb ka ah duullaan cusub oo ka dhan ah dagaalyahannada Kurdiyiinta Suuriya, ayaa ka dhacay meel ku dhow ciidamada Mareykanka ee ku sugan gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Suuriya.

Taliska Dhexe ee Mareykanka, oo ay hoos yimaadaan ku dhawaad 900 oo askari oo Mareykan ah oo ku sugan Suuriya, una xilsaaran ka hortagga kooxda la baxday dowladda Islaamka, ayaa markii ugu horreysay qiratay weerarkan Salaasadii, iyagoo sheegay in xilligaas ayna ku sugneyn saldhigga.

Laakiin sarkaal ka tirsan difaaca Mareykanka, ayaa sheegay goor dambe oo Arbacadii in ciidamada Mareykanka ay ku dhow yihiin meel 300 mitir u jirta saldhigga, oo ku yaalla waqooyiga magaalada Hasakah.

Ilo ku dhow hoggaanka ciidamada SDF ee uu Mareykanku taageero ee Suuriya, ayaa sheegay in saldhiggan uu ka mid yahay dhisme weyn, isla markaana ciidamada Mareykanka ay ku jireen dhisme kale oo aan ka tirsanayn saldhigga laftiisa.

Saraakiisha ciidamada Mareykanka, ayaa ka warwareegay in ay bixyaan tafaasiil dheeri ah, balse waxay u muuqdeen inay garwaaqsan yihiin halista dhacdada bayaan ay soo saareen gelinkii dambe ee Arbacadii.

LEAVE A REPLY