Kulan Loo Qabtay Booliska Saldhiga Degmadda Maxamed Mooge iyo Guddi Nabadgeliyo

0
566

Hargaysa (HP): Kulan lagu xoojinayo xidhiidhka wada shaqayneed ee bulshadda iyo ciidamadda booliska ayaa maanta lagu qabtay magaaladda Hargaysa.
Aqoon is waydaarsigaasi ayaa loo qabtay booliska ka hawl gala saldhiga degmadda Maxamed Mooge iyo guddiga nabadgeliyadda degmadaasi.


Kaasoo lagu qabtay gudaha saldhiga booliska degmadda Maxamed Mooge ee magaaladda Hargaysa.
Waxaana kulankaasi soo qaban qaabiyay taliska booliska Somaliland iyo haayadda UNDP oo ay wada shaqayn leeyihiin booliska Sonaliland.


Taliyaha hogaanka tababarrada ciidamadda booliska Somaliland gaashaanle Ibraahim Cabdi Xaaji, ayaana si rasmiya u furay kulankaasi.
Waxaanu sheegay in ay muhiim tahay wada shaqayn ay yeeshaan booliska iyo dadeeynuhu.
Waxaanu yidhi, “Boolisku wuxuu sameeyaa ka hor tag danbi iyo la dagaalan danbi, marka uu gacan ka helayo dadweynaha, taasi way fududaanaysaa.
Meel walba nin boolis ahi ma joogo, ee meel walba dadweynaha ayaa taagan”.
“Dadweynuhu haday u arkaan in boolisku dantoodda ka shaqaynayo, danbi walbana u soo sheegayaan, halkaa waxaa ka imanaysa ka hor tag danbi ama la dagaalan danbi” ayuu yidhi Ibraahim Cabdi Xaaji.


Geesta kale C/salaan Yuusuf, oo ka socday haayadda UNDP ayaa faahfaahin ka bixiyay barnaamijyadda dhinaca nabadgeliyadda ee ay ka wada shaqeeyaan booliska Somaliland.
Isagoona soo dhaweeyay qabashadda kulankaasi iyo muhiimadda uu u leeyahay amniga.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY