Jaaliyada Somaliland Ee Canada oo Sagootiyay Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Ee Wakiillada

0
917

Toronto (Hargeisa Press) – Jaaliyada Somaliland ee dalka Canada, ayaa munaasibada sagootin ah waxay u sameeyeen Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Cali Xaamud Jibriil.

Guddoomiyaha Qurbojoogta Somaliland ee waqooyiga America Cabdiqani Axmed Askar oo munaasibada hadal ka jeediyay, ayaa ku booriyay in Qur bojoogta Somaliland ee ku dhaqan wadanka Canada inay meel qudha uga soo wada jeestaan dhismaha iyo horumarka adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, wax-soo-saarka beeraha iyo sidii loo samayn lahaa mashruucyo wax ku ool ah oo ay umada Somaliland shaqo abuur u noqon kara

Sidoo kale, Waxaa halkaasi Halkaasi ka hadlay Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Cali Xaamud Jibriil, waxaanu Jaaliyada ku booriyay sida fiican ee ay iskugu soo baxeen Xuskii 18-May.

Waxaanu u soo jeediyay in ay isku duubnaadaan oo meel uga soo wada jeedsadaan jiritaanka iyo qaranimada dalka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here