Golaha Guurtida oo Baafinaya Xildhibaano Ka Soo Xaadiri-waayay Fadhigii Maanta

0
833

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa cannaan kala dul dhacay Xildhibaano soo xaadiri waayay fadhigii saaka, kadib markii uu hore u buuxsami waayay kooramka golahaasi, goluhuna hore u furmi wayay.

Sida caadiga ah furitaanka goluhu waxa uu ku furma 42 xildhibaan oo ka mida 82ka xildhibaan ee golahaasi ka kooban yahay.

Markii muddo hal saac ah la sugayay in uu buuxsamo kooramka golahaasi ee xildhibaanadu soo wada dhammaadeen, guddoomiyuhuna furay, waxa uu xoghayaha golahaasi ku amray xildhibaanada ka soo habsama furitaanka golahaasi, in la xaadiriyo oo warbaahinta iyo bulshada lala wadaago, isla markaana la ganaaxo.

War qoraal ah oo ka soo baxay xarunta golaha guurtida JSL, oo uu ku saxeexan yahay xoghayaha golahaasi ayaa lagu yidhi. “Waxaa la farayaa Mudanayaasha magacoodu hoos ku xusan yihiin oo ka baaqday fadhigii 5aad ee kal-fadhiga 81-aad ee Golaha Guurtidda inay kasoo qayb galaan fadhiga bari insha ALLAH”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here