Iyamaa Kulmiye Iyo Waddani Si Waali Cas U Xushay Murashaxiintooda?

0
936
Aqoonyahan Mohamed Hagi Mohamoud

Marka sida tan oo kale la is barbar dhigayo xisbiyo kala wata taageerrayaal seef la bood u badan, waxa wacan in xisaab loo adeegsado. Sababta ay xisaabtu u tahay ta qiimeynta ugu dhaw waxa weeye;

 

In ku-tidhi-ku-teen oo dhan laga foggaado, iyada oo qaaciido saami-lay ah la adeegsannayo %. Si cid waliba iyada oo deggan oo xisaab wacan ka shaqeysay ay cillad-saarka xisbigeeda u gasho iyada oo murkucasho diid la wada yahay. Xisaabta aynnu maanta isticmaallayno waa tan Chemistry-ga loo isticmaallo inta badan “Empirical Formula” Laakiin sidoo kale waxa loo isticmaallaa Political Science amma culluunta siyaasadda, waa se ay ku kala duwan yihiin xukun ku ciraabbista.

 

Aan u galo xisaabta cillad-saarka Empirical Formula si ay innoogu fududaato helista axsaabta Somaliland, kooda ugu waali cas, ee sharciyadda dalka iyo haammaha naas-naasinta dawladnimada suuba-salaaxa lexe-jecladu ku yar tahay sida ba’an ugu wada. Bal soo qaad xisbiga Kulmiye Gollihiisa Dhexe Shirweyne ayaa lagu doortay, halkaa wax waali cas ahi kuma jiraan. Gollihiisa Dhexe si ay u shirraan waxa cid wal oo tartamaysay ay u baahatay taageerrada Madaxweyne Siilaanyo.

 

Muddo 5 sano ah ayaa dagaal ku socday, oo xisbi iyo xukuumaddii ay garroon cidla ah ku hirdamayeen. Shantaa sano Kulmiye waali cas ayaa ka dhex socotay. Waxa hawli socotaba xisbigii ayaa ka adkaaday kooxdii xukuumadda u badneyd ee awoodda ku dhabbaraysay. Waalidii casayd ee ka dhex socotay xisbiga iyo xukuummadda waxa ay ku kaliyeysatay xukuumaddii, waana tii aakhirkii is wada casishay.

 

Maalintaa ayuu Kulmiye shuushkii ka baxay oo uu dhinac isku raacay. Qoladii waalida cas la socotay sidaa kuma aysan jooggin e, dagaal adag ayey soo qaadeen. Dagaalkii bal aynnu xisaabta Empirical Formula-da ah galinno. Inkasta oo ay qolyihii waalida casaa ee xukuumadda iska casillay ay ka baaqsadeen in Madaxtooyada oo ka maqan ay tartan horrorsadaan. Haddana qayb ayaa iska soo xaaddirisay madashii shirka.

 

Ergada Gollaha Dhexe ee Kulmiye waxa ay dhannayd 365 ergay. Inkasta oo aan Muuse Biixi cid la tartantay aaney jirin, haddana coddadkaa xubnaha Gollaha Dhexe ma wada helin! Waxa se uu ku guuleystay in ay u coddeeyaan 344 ergay. Halka ay ka diiddeen 14 ergay 7 kalena ay ka aamuseen ama coddeyn waayeen. Tirada saami-layda ah marka aad ku eegto waa in uu helay 94.3%.

 

Madaxweyne Ku-Xigeenka oo isna murashax ahaa waxa tartanka la galey oo dhiirranaan badan muujiyey Wasiir Xagla-Toosiye oo is-bahaysigii xisbigu ka adkaaday ka mid ahaa. Inkasta oo codku in muddo ah saxmi waayey oo waalidii casayd soo noqotay, haddana aakhirkii waa lagu kala calaf-qaaday. Saylici waxa uu helay 230 cod oo saami ahaan dhan 63%. Halka uu Xagla-Toosiye ka helay 114 cod oo u dhigma 31.3%. Si marka loo taxliilliyo tartan weyn ayaa meesha ka dhacay.

 

Wasiir Madaxweynihiisii la tartamay, ahaa dhanka kale ee is-bahaysiga, deegaankiisu wakhtigaa filashada in laga coddeeyaa adkayd, xisbiga Kulmiye iyo siyaasadda Somaliland na ku cusbaa oo haddana intaa keenay waa hubaal in tartan meesha ka dhacay. Bal Waddani aynnu isna diiradda saarno. 9 Bishii April 2012 ayaa xisbiga Waddani qabsaday Shirweyne urur oo lagu doortay Guddoomiye iyo shan Guddoomiye Xigeen.

Waxa kale oo la doortay xubno 35 ah oo fulinta ah iyada oo la ansixiyey 201 kale oo ka mid ah 250 aan goob-joog ku ahayn madasha doorashada, se ka mid noqon doona Gollaha Fulinta ee mustaqbalka xisbiga. 19 bisha October 2016 ayaa Shirweyne dhacay, nasiib darro lagu ma dooran Golle Dhexe haba-yaraato e, 22 kii bishan ayaa Golle Dhexe bannaanka kaadhadh loogu qaybiyey.

 

Tiro aan hore loo shaacin, oo aad u badan ayaa ka soo qayb-gashay madasha shirka laga ga dhawaaqay. Xubnaha tiradoodu waxa ay noqdeen 629 xubnood! Guddoomiye Cirro waa ay u coddeeyeen dhammaantood! Cid ma diiddin aamusna daa’ hadalkii. Saami ahaan waxa ay noqonnayaan in uu helay isaga oo aan cid la tartantay jirin 100%.

 

Adduunyada meel 100% cod ah lagu guuleysto Itoobiya iyo xisbiga EPDRF na dheh oo ma jirto. Xataa Geellaha Jabuuti waligii ma dhaafin 74% si kasta oo loo dhaliillo! Taariikh cusub baa se qortay xisbiga Waddani in uu sadka saamiga buuxiyo. Eesh Calaa 100% iyo guul adduunyada ku cusub.

 

Yelkeed e, maxaa ku dhacay Muumin Seed. Waali casaan ku bilaabantay ayaa ku hoobatay. Protocol kii u yaalay xisbiga ayaa la jabbiyey oo la ma raacin magaciisii tartanka Guddoomiyihiisa. Isna inta uu is gartay ayuu baxay. Ergadii la isku ogaana in ka badan 200 ayaa lagu kordhiyey oo aannu ka war qabin. Ragga tartamaya dhinac ka mid ahi la ma socdo tirada xubnaha coddeynaya!

 

Isaga oo maqan ayaa loo coddeeyey, tirada tan ayaana la kala helay; Maxamed Cali 581 cod oo noqonaya saami ahaan 92.4%. Halka uu Muumin Seed ka helay 44 cod oo u dhigma 6.99%. Labada nin ee sida tan u kala faddilmay waxa Guddoomiye ah Muumin Seed, isaga ayaana xisbi-yahan ah! Ninka kale waa jug-soo-dhacay.

 

Ma aha in aan sida tan u leeyahay laga ma badin karo Muumin Seed, waa dimuqraadiyad in laga badiyo se waa in aan la odhan 6.99% kaliya ayuu helay. Nin shaley yimina 92.4% buu helay! Kaaga darran iyada oo hawli sidaa tahay ayuu misena Cirro gacanta u taaggay! La yaab e, yaa se la waalayaa. Nin diiddani iyo mid kale oo doona Kulmiye tiisu waa salleelo ee nin tiriig sitaa yimi!

Haddii uu Xaglo-Toosiye helay 31.3% oo la tartamayey Madaxweyne awood dawladdeed leh oo hoggaanka sare ee xisbigana ka mid, maxaa diidday in Axmed Muumin Seed laga ga badiyo tiro aan ahayn 92.4% haddaan makiinnad sarniin badani ku jirin?

 

Hafeef kalmadda waali cas waxa aan ka soo xigtay Jamaal Cali Xuseen oo eray bixinteeda siyaasiga ah leh.

 

Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email: m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedhagi@gmx.co.uk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here