Itoobiya Oo Si Rasmi ah Uxidhay Isku socodka Xuduudka Ay La Wadaagto Somaliland Ee Tog Wajaale.

0
579

Wajaale,(HargeisaPress) –Dawlada itoobiya ayaa maanta sirasmi ah uxidhay isku socodka xuduudka ay la wadaagto Somaliland ee tog wajaale kaasi oo gabi ahaanba la joojiyay dadkii iskaga gudbayay marka laga reebo waxyaabaha daruuriyaadka ah ee cuntooyinka,khudaarta iyo qaadka.

Waxaa xadka laykaga gudbe ee wajaale taagan ciidamad miliatariga fadaraalka itoobiya kuwaasi oo shacabka amar kusiiyay in aanay gudbi Karin soona gali Karin gudaha dalka itoobiya.

Xidhitaanka dalka itoobiya ayaa daba socda awaamiir guud oo dalka itoobiya loogu soo rogay xaalad deg deg ah si loo kaantaroolo xanuunka sida xawliga ah ufidaya coronavirus.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here