Itoobiya oo Qaadacday Wadahadallada Lagu Xallinayo Muran Webiga Nile

0
975

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Wasiirka biyaha ee dalka Itoobiya Seleshi Bekel ayaa sheegay in dalkiisa aanu ka qeybgeli doonin wadahadallada cusub ee lagaga hadlayo muranka ka dhashay biyo xidheenka ay Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile.

Mareykanka ayaa martigeliyay wadahadallada u dhexeeya Masar iyo Itoobiya kaas oo lagu waday in Khamiista iyo Jimcaha lagu qabto magaalada Washington.

Haddii la dhameystiro biyo xidheenka weyn ay Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile wuxuu noqonayaa biyo xidheenkii ugu weynaa Afrika ee laga dhaliyo korontada.

Waxaa arrintaas ka dhashay khilaaf ka dhexeeya Masar, Itoobiya iyo Suudaan, taas oo horseeday in Mareykanka uu kala dab qaado.

Waxay saddexdan dal bishii lasoo dhaafay ay gaadheen heshiis hordhac ah oo ku aadan biyo xidheenka.

Hargeisa Press Desk /Addis Ababa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here