Israa’iil ma weerar jawaab ah ayay qorsheyneysaa kadib gantaalihii Iran ee xalay hurdada u diiday?

0
79

Inkasta oo milatariga Israa’iil ay sheegeen in 99% gantaalihii lagu soo tuuray iyo diyaaradihii aan duuliyaha lahayn ee Iran la qabtay iyaga oo aan gaarin halkii loola dan lahaa. Iran ayaa waxay sheegtay in weerarkaan uu jawaab u ahaa weerar lagu qaaday dhisme diblumaasiyadeed oo Iran ku leedahay Siiriya laba todobaad ka hor.

Hadaba halka xaaladdu ku dambayn doonto ayaa waxa ay ku xiran tahay go’aanka ay Israel ka qaadato sidii ay uga jawaabi lahayd weerarkii xalay.

Wadamada gobolka iyo meelo kalaba ku yaalla ee ay ka mid yihiin kuwa aan jeclayn nidaamka ka taliya Iran ayaa waxa ay ku booriyeen Iran in ay is xakameyso.

Mawqifka Iran ee hadda ayaa ah: “Xaalku waa dagan yahay, hawshiina intaas ayay ku dhamaatay, waxna hasoo tuurinina hadii kale mid tan ka sii daran oo aadnan ka waaqsan ayaa idinku dhici doonta.”

Balse Israa’iil mar hore ayay wacad ku martay “In ay jawaab adag bixi doonto” dawladda haatan ka talisana waxaa loogu yeeraa tii ugu go’aanka adkayd ee soo marta taariikhda Israa’iil.

Waxay jawaab ka bixisay weerarkii Xamaas ee & dii October iyada oo weerartay koonfurta Gaza saacado gudahood, kadib waxay lixdii bilood ee xigtay waxay duqayn ka waday Marin Gaza.

Golaha dagaalka ee Israa’iil ayaa waxay u badan tahay in jawaab la’aan aysan uga harin weerarka tooska ah ee Iran, hasa yeeshee waxaa xadidmay waxyeeladii uu ka gaysan lahaa dhulka.

Muxuu yahay mawqifka Israa’iil?

Waxaa laga yaabaa in ay dhagaysato waxay u sheegayaan dariskeeda gobolka oo ay sameyso waxa loo yaqaano “dulqaadka istaraatiijiga ah”, oo ay iska deyso in ay jawaab bixiso, balse taas badalkeeda ay beegsato kooxaha gobolka ee xulufada la ah Iran sida ururka Xizbullah ee Lubanaan ama xarumaha ay hubka u dhigto ee ku yaalla Siiriya, taas oo ay muddo dheerba sameyneysay.

Sidoo kale Israa’iil ayaa waxaa laga yaabaa in ay qaado weeraro aargudasho ah oo xiriir ah, kuwaas oo si taxadar leh loo qorsheeyay, lana isticmaalayo gantaalada ridada dheer, kuwaas oo lala beegsanyo oo kaliya, saldhigyada xalay laga soo tuuray madaafiicda.

Taasu wali axay Iran ula muuqan doontaa xiisadda oo la sii kicinayo, maadaama ay noqon doontomarkii ugu horeysay oo Israa’iil ay si toos ah u weerareyso Iran, sida ay ku sameyso kooxaha ay taageerto ee gobolka.

Ama waxaa laga yaabaa Israa’iil in ay hal talaabo sii korto jaranjarada xiisadda sii kacaysa, iyada oo sii balaarineysa jawaabteeda suuragalka ah iyada oo beegsan karta, saldhigyo, xerooyin tababar iyo xarumo talis iyo hagis oo ay iska leeyihiin ciidamada awoodda badan ee Ilaalada Kacaanka Iran – IRGC.

BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here