Burcadbadeeda Soomaalida oo sii daayay markab uu ka babanaayay calanka Bangladesh

0
147

Burcadbadeeda Soomaalida ayaa sii daayay markab sitay calanka Bangladesh iyo 23-shaqaale ah oo la socday, kaddib markii sida la sheegay madaxfurasho laga qaatay.

Markabkan oo lagu magacaabo MV Abdullah ayaa la sheegay inuu dhuxul ka soo qaaday dalka Mozambique, isagoo ku sii jeeday dalka Imaaraadka Carabta, waxaana markabkan laga afduubay xeebaha Soomaaliya muddo bil laga joogo.

Budhcad-badeeddu waxay sheegeen inay heleen $5m (£4m), balse ma jiro war madax-bannaan oo xaqiijinaya sheegashadaas.

Waxaa sare u kacay afduubyada ka dhacay xeebaha Soomaaliya bilihii lasoo dhaafay.

In ka badan 12 markab ayaa la beegsaday tan iyo dabayaaqadii bishii November.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here