Isbahaysiga Mucaaradka Oo Ka Digay Muddo Kordhin Laba Sanno Ah, Kuna Baaqay Wadatashi Qaran

0
1277

Hargeysa, (HargeisaPress) —  Labada Xisbi Mucaarad Ucid iyo Waddani iyo Madasha wadatashiga ayaa wada jir u sheegay inaanay aqbali doonin Muddo kordhin siyaasadaysan oo Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo loo sameeyo. Waxay ku baaqeen in wadatashi qaran laga yeesho Muddada Xukumadda loogu darayo wakhtigeedii asalka ahaa oo ku eeg 26-ka June.

Isbahaysiga Mucaaradku waxa uu sheegay inay taageersan yihiin Wakhtiga beesha Caalamka ee doorashada Somaliland ka taageertaa Ogol yihiin sidoo kalena Koomishanku ku diyaar garoobayo oo ah dhamaadka sannadkan, balse wakhti intaas ka badan aanay aqbalahayn.

Gudoomiye xigeenka saddexaad ee Xisbiga Ucid, Mujaahid Cali Guray, ayaa sheegay in Mawqifka Beesha Caalamku daneeyeyaasha Somaliland hor dhigtay ahaa in doorashada la qabto dhamaadka sannadkan muddo kordhintana lagu saleeyo Jadwalka Komishanku ku qaban karo doorashada, haddii arrintu sidaas u dhici waydo oo Guurtidu Muddo kordhin intaa ka badan samaysana ay ka fiirsan doonaan sii taageerida Somaliland  “Haddii uu Xidhiidhka Somaliland iyo Qaadhaanbixiyeyaashu mar ahaan jiray Xadhig gar ah, Xukumaddani waxay ka dhigtay Miiq Dun ah” ayaa Hadalka Cali Guray ka mid ahaa.

Axmed Muumin Seed, Gudoomiye xigeenka Waddani, ayaa isna sheegay inaan Mucaaradku marna aqballi doonin muddo kordhin laba sanno ah oo guurtidu samayso “Haddaanu nahay isbahaysiga Mucaaradka, waxaanu soo jeedinaynaa in Koomishanka doorashadu u madax banaanaadaan Jadwalka ay doorashada ku qabanayaan. Runtii taas baanay qaadhaan bixiyeyaashu raali ka yihiin, laakiin, waxay cid waliba ka soo horjeedaa laba sanno oo guurtidu ugu dhufato Xukumadda oo aan sharcina ahayn. Haddaanu nahay Isbahaysiga Mucaaradka waxaanu ku dhawaaqaynaa inaanaan sinaba u Ogolaan doonin Muddo kordhin Sharci darro ah oo guurtidu ku dhawaaqdo, waxaanan Xukumadda Siilaanyo ka rabnaa inay sidaa Caalamku rabo dalka doorasho uga hirgaliyaan” ayuu yidhi Axmed muumin Seed

Gudoomiyaha Madasha wadatashiga Xasan Guure Jaamac ayaa isna ka hadlay mawqifka Mucaaradka “Mawqifkayagu waxa weeye wixii aan ku iman Sababta Koomishanka inaan doorashada dib loogu dhigi Karin. Sababta kaliya ee doorashada dib loogu dhigi karaa waxa weeye in maalin ama maalmo ku darsamaan wakhtiga Komishanka doorashadu ku diyaar garoobayo. Sidaa caalamku qabo ma ogolin inay doorashadu dhaafto sannadkan. Ma dhici karto aqbalina mayno sidaas loo sheegay 26-ka June hadday doorashadu dhaafayso iyadoo talo qaran la iskugu yimaado mooyaane.”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here