Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay canbaaraynaysaa xadhigga weriya lagu xidhay Berbera

0
810
1-dii April 2015 waxa lagu xidhay weriye magaalada Berbera ee gobolka Saaxil. Axmed Siciid Maxamed oo ka tirsan telefiishanka Kalsan waxa xidhay masuuliyiinta gobolka Saaxil. Ma jirto wax eed ah oo si rasmi ah loogu soo oogay Axmed. Balse Axmed waxa la xidhay kadib markii uu sii daayey warbixin ku saabsan khilaaf maamul oo la sheegay inuu ka dhexeeyo maamulka dekedda Berbera iyo xafiiska maaliyadda Gobolka Saaxil, sida uu u sheegay Xarunta Xuquuqal Insaanka suxufi ku sugan Berbera. Maanta oo bishu tahay 2April 2015 Maxkamadda Berbera waxay rumaan garaysay Axmed mudo todoba maalmood ah.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay canbaaraynaysaa xadhiga weriyaha waxayna ku baaqaysaa in xorriyadiisa loo soo celiyo. Xoriyadda saxaafadda waxa damaanad qaaday dastuurka Somaliland iyo Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanka. Waa masuuliyad saaran saraakiisha dawladda inay ixtiraamaan dastuurkooda.

Axmed waa weriyihii afraad ee lagu xidho Berbera sanadkan gudihiisa. Masuuliyiinta Gobolku waxay u isticmaalaan suxufiyiinta awood dheeraad ah oo tacaddi ah. Dekedda Berberi waxay u tahay dawladda Somaliland isha dakhli ee u wayn. Mar kasta oo suxufiyiintu ka hadlaan arimo khuseeya khayraad waxay u badan tahay inay la kulmaan cadaadis.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ka welwelsan tahay dul qaad yaraanta sii kordhaysa ee dawladdu aanay u dul lahayn warbaahinta. Labadii sano ee u danbeeyey waxa dawladdu xayirtay afar wargeysa oo kala ah Haatuf, Somaliland Times, Hubaal iyo the Independen. 

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay u soo jeedinaysaa dawladdu inay sii dayso Axmed Siiciid Maxamed.

Guuleed Axmed Jaamac                                                                                            

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka                        

   email: dafac02@hotmail.comMobile: +252 (0) 63 4468227

– See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Xarunta-Xuquuqal-Insaanku-waxay-canbaaraynaysaa-xadhigga-weriya-lagu-xidhay-Berbera.html#sthash.BeRl0G1h.dpuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here