Hogaanka Sarre Ee Xisbiga UCID Oo Gurigiisa Magaaladda Hargeysa ku Booqday Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf Oo La Xanuunsaya Dhaawacyo Soo Gaadhay Wakhtigii Uu Xidhnaa + SAWIRRO

0
1045
Musharaxa Madaxwaynaha xisbiga  ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ku xigeenkiisa Cabdi Rashiid Xasan Mataan
Musharaxa Madaxwaynaha xisbiga ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ku xigeenkiisa Cabdi Rashiid Xasan Mataan

Hargeysa,(HargeisaPress) — Musharaxa Madaxwaynaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ku xigeenkiisa Cabdi Rashiid Xasan Mataan, guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee xisbigaasi Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) iyob xubno kale oo ka mid ah hogaanka sarre ee UCID ayaa maanta duhurkii gurigiisa magaaladda Hargeysa ku booqday Guddoomiyihii Wargeysyada xidhan ee Haatuf iyo Somaliland Times Md Yuusuf Cabdi Gaboobe oo dhaawacyo wakhtigii xadhigiisa ka soo gaadhay kaadi-haysta, kaas oo sida ay sheegeen dad ku dhawi dhaawacaasi soo gaadhay wakhtigii dacwada Haatuf ku socotay marka baabuurta qufulan ee shabag-laha ah ee ciidanka Bilayska ee loo yaqaano Ani-moogga, kuwaas oo aan lahayn meel la qabsado isla markaana si arxan-daro ah ay maxaabiista ugu qaadaan wadayaasha baabuurtaasi.

ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Musharaxa Madaxwayne Ku Xigeenka UCID Cabdi Rashiid Xasan Mataan, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaanu maanta halkan ku soo booqanay mid ka mid ah dadka ixtiraamka iyo sharafta inaga muddan oo ah aqoonyahan Yuusuf Cabdi Gaboobe oo run ahaantii aan aaminsanahay inuu wax badan dalkan iyo dadkankanba isla markaana ah tiirarkii taagay saxaafada Somaliland. hadal badani halkan iiga banaana ee waxaan u rajaynayaa Yuusuf Cabdi Gaboobe caafimaad taam ah inuu Ilaahay siiyo”.

“Run ahaantii waa nasiib darro oo inagu dhacday in wargeysyadii ay Madaxtooyadu samaysatay ay waxay doonaan qoraan oo ay u madaxbanaan yihiin waxay doonaana ay qoraan”Jamaal Cali Xuseen

sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Musharaxa Madaxwaynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, kaas oo wax laga xumaado ku tilmaamay in la qiimayn waayo oo la dhawri waayo dimuqraadiyada Somaliland iyo xoriyatul-qawlka dalkaba, isagoo arrimahaasi ka hadlayana, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Maanta waxaanu gurigiisa magaaladda Hargeysa ku soo booqanay Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ah aqoonyahan qaali ah isla markaana ka mid ahaa dadkii ehelka u ahaa dimuqraadiyada iyo horumarka Jamhuuriyaddan, run ahaantii waxaan ka xusayaa arrimaha uu Yuusuf sida wayn wax uga soo geystay halgankii dib u xoraynta dalkan iyo horumarintii iyo yagleelidii warbaahinta xorta ah ee Somaliland”. isagoo Jamaal Cali Xuseen hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey “Waxaynu ognahay in sifo sharciga baalmarsan albaabada loogu laabay wargeysyadii Haatuf iyo Somaliland Times oo uu Guddoomiye ka ahaa Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe isla markaana isagiina xadhig sharci daro ah loogu daray oo taasina ay keento inuu dhaawac ka soo gaadho xabsigii sida sharci darada ahayd loogu gaystay, markaa waxaanu Ilaahay uga baryeynaa inuu caafimaad degdeg ah siiyo oo uu shaafiyo Insha Allaah”.Musharaxa Madaxwaynaha UCID Jamaal Cali Xuseen mar uu baaq u dirayey, waxa hadalkiisa ka mid ahaa “Dawladda Somaliland-na waxaanu ugu baaqaynaa sidii baaqaqii hore ee beesha caalamkuba ahaa inaan warbaahinta madaxabanaan la cabudhin oo wargeysyada xidhan ee Haatuf, Hubaal iyo Somaliland Times-ba si degeg ah oo shuruud la’aan ah ay xayiraada iyo ciidanka uga qaado, waxaanan mar iyo lababa uga digaynaa in cabudhinta saxaafadu sii socoto. run ahaantii waa nasiib darro oo inagu dhacday in wargeysyadii ay Madaxtooyadu samaysatay ay waxay doonaan qoraan oo ay u madaxbanaan yihiin waxay doonaana ay qoraan, isla markaana kuwii xaqa sheegayey ee ummadda u adeegayeyna xoog albaabada loogu xidho, waxaan leeyahay waar waxani ma sii socon doonaan ee ummadda sidan ka daaya oo Ilaahay ka cabsada oo bulshadda iyo beesha caalamkaba ka xishooda, waxan aad samaynaysaan waa wax xun oo la wada arkayee, ugu danbayn waxaan Yuusuf u rajaynayaa caafimaad inuu Ilaahay siiyo”.

waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee xisbiga UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), kaas oo wax laga xumaado ku tilmaamay dhaqamadda xukuumadu ay kula kacdo warbaahinta madaxbanaan, waxaanu Ilaahay uga baryey Yuusuf Cabdi Gaboobe inuu caafimaad siiyo, isla markaana wuxuu ku taliyey in xukuumadu ka waantowdo tacadiyada iyo xad-gudubyada ka dhanka ah warbaahinta Somaliland, waxaanu hadalkiisa ku soo gabo-gabeeyey inaanu Yuusuf Cabdi Gaboobe istaahilin sida ay ula dhaqantay xukuumadda Axmed Siilaanyo.

dhinaca kale dhaawacyadan uu la xanuunsanayo Yuusuf Cabdi Gaboobe ee ka haleelay Kaadi-haysta iyo Jilbaha ayaa waxa dheeraa dhaawacyo kale oo ka soo gaadhay Jilbaha, kuwaas oo sida ay xubno xogogaal u ahi arrimihiisu noo sheegeen intooda badani ku dhaceen 14-kii June ee sanadkan marka lagu qaado baabuurka shabaglaha ah ee xabsiga magaaladda Gabiley gaynayey wakhtigaas oo Guddoomiyaha Haatuf Media Networ laga qabtay Maxkamadda dhexdeeda isagoo la socda Looyarkiisii, doonayeyna xiligaasi in laga badalo garsooraha dacwadooda qaadayey oo ay looyarada Haatuf dureen, isla maalintaasi markii ay gudaha Maxkamadda ku qabteen ciidanka RRU-du ayaa inta ay baabuurka shabag-laha ah ku rideen waxay u kaxeeyeen xaga xabsiga dhexe ee Magaaladda Hargeysa taas oo uu Yuusuf Cabdi Gaboobe xili cimiladu aad u kululayd uu mudo ilaa laba saacadood ku dhaw inta lagu qufulay baabuurkaas Ani-mooga ah isagoo hortaaga xabsiga dhexe ee caasimadda ayaa askarigii watay ciidanka RRU-da ee qaaday Guddoomiyaha Haatuf oo ay qaraabo yihiin wiilka madaxwaynuhu sodoga u yahay ee Baashe Cawil uu ku tiraabay hadalo xanaf leh oo ay mid ahaayeen “Miyuu nool yahay wali”.

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here