Heshiis Laga Gaadhay Colaadda Soomaalida iyo Canfarta

0
1009
Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Canfarta
Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Canfarta

Addis Ababa (Hargeisa Press) – Waxaa magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya lagu soo gabagabeyay wadahadal u dhaxeeyay madaxweynayaasha dowlad deegaannada Soomaalida iyo Canfarta kaasi oo xal loogu raadinayo dagaallo maalmihii la soo dhaafay labada qoomiyadood ku dhaxmaray qaybo ka mid ah gobalka Siti.

Heshiiska waxaa qalinka ku duugay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar iyo Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Canfarta Awal Arba.

Heshiiska nabadeed ee ay labada madaxweyne ka gaadheen colaaddii labada deegaan u dhaxeysay waxaa horkacaysay Wasiiradda nabadda ee dalka Itoobiya Mufariyaat Kaamil.

Labada deegaan xadka ay wadaagaan waxaa ku dhex maray dagaal uu dhiig badan ku daatay shacab badanna ay ku barakacen.

Wadahadalkan oo sidoo kale uu qayb ka ahaa Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxyaabaha lagu heshiiyay waxaa ka mid ah joojinta colaadda iyo qodobbo kale oo muhiim ah.

Hoos ka akhriso qodobada heshiiska

1. In la joojiyo colaada, ciidamada labada dhinacna ay ka duurkaan jidka laamiga ah ee isku-xidha Awash iyo Jabuuti ugu yaraan 10km (dhanka bari Soomaalida, dhanka galbeedna Canfarta).

2. In qadiyada sadexda magaalo ee Grabaciise, Candhuuf Macaan (Candhuftu) iyo Cadeey (Cadeeytu) lagu xalin doono nidaam sharci ah inta ka horaysana ay ciidamada qaranku sugayaan amniga shacabka magaalooyinkaas; islamarkaana la baadho weerarkii iyo waxyeeladii shalay ka dhacday Cadeey (Cadaytu) iyo guud ahaan isku dhacyadii u dambeeyay.

3. In aan deegaamayn cusub la samayn karin aaga colaadu ka jirto oo ah aaga ka caagan ciidanka.

4. In hay’addaha amniga ee qaranka ay bari laga bilaabo tagaan goobta isla markaana ay xaqiijiyaan fulinta qodobadaas lagu heshiiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here