Hay’adda Shaqaalaha Somaliland Oo Soo Bandhigtay Macalimiinta Ay Mushaharkii U Qoreen

0
1391
Guddoomiyaha Hay'adda shaqaalaha oo Liiska Shaqaalaha 400 Macalin ku wareejiyey Wasiirka Waxbarashadda

Hargeysa, (HargeisaPress) —Hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland ayaa Shaqaaleeyay Afar Boqol Oo Macalin kuwaas oo Gabi ahaanba lagu daray Liiska Diwaanka musharka,waxaana uu guddoomiyahu hambalyo u diray 400 oo macalin loo noqon doona shaqaalaha cusub ee wasaarada waxbarashadda iyo sayniska

Qoraal ka Soo Baxay Haay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Haay’adda Shaqaalaha Mudane Sharmaake Axmed Muxume Geelle Dacar ayaa u dhignaa Sidan.

Xogtu waa sahanka lagu guuro lifaaqan ka arag tirada dugsiyada dawladda ee dalka

– Kadib kormeer Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Wasaaradda Waxbarashada & Saynisku ku soo mareen guud ahaan dugsiyada dalka oo dhan 1,081 isla markaana lagu soo ogaaday xaalka iyo xogta dhabta ah ee barayaasha dalka.

– Tallaabadii koobaad ee la qaaday ayaa ahayd in 954- macalin oo ku mushahar qaadan jiray magac aanay lahayn iyo kuwo kale oo markii la soo qoray-ba la shaqaaleeyo 13/11/2018 taasi oo qayb weyn ka ahayd ujeedooyinkii laga lahaa tiro-koobkii Shaqaalaha Dawladda ee dib-u-habaynta

– Haddaba, iyada oo laga duulayo xogtii la soo helay oo xusaysa in ay jiraan weli macalimiin ardayda wax u dhiga balse aan weli qaadan wax gunno ah.

– Si taas looga jawaabo, kulamo dheeraad ah oo Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, W.Waxbarashada & Sayniska iyo Wasaaradda Horumarinta Maaliyaduu wada yeesheen waxaa la shaqaaleeyey 400 oo macalin oo kamid ah bareyaashaa bilaa gunnada dugsiyada ku dhiga si kor loogu qaado niyada bareyaasha dalka.

– Waxaa xusid mudan in Sannadkan imika bilaabmaya ee 2019 Insha Allah isna la shaqaalayn doonno tiro kale taasi oo wax weyn ka tari doonta macalmiinta bilaa gunnada ah ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here