Haween Weynaha Hargeysa oo Munaasibad ku Muuneeyey Mawliidka Nebiga NNK

0
537

Hargeysa(HargeisaPress)- Qaar kamid ah Haweenka ku dhaqan magaaladda Hargeysa ayaa maanta xus ballaadhan oo ay ugu debaal degayeen Dhalashada Nebigeennii Muxamed NNKH ku qabtay Hargeysa.

Munaasibadan ay haweenku ku weynaynayeen maalinta Dhashada Nebiga NNKH ayaa lagu soo bandhigay Sugaan iyo Qasaa’id Nebi ammaan ah , waxa ay sidoo kale Haweenkani goobtaas kaga sheekeeyeen Siiraddii Nebigeennii Suubanaa ee Muxamed NNKH.

Munaasibadan ay soo abaabuleen qaybahan kamidka ah haween weynaha  ku nool magaaladda Hargeysa ayaa sidoo kale lagaga hadlay fadliga Xuska Nebi Muxamed NNKH, iyaga oo habab kala duwan uga sheekeeyey Siiradii Nebiga .

Maalinta la xuso Dhashada Nebigeenii Subanaa ee Muxamed NNKH ayaa ku beegan maalinta Berri ah , iyada oo la filaayo in xusas waaweyn lagu qabto magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here