“Madaxweyne Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo Way Wada Xidhiidhaan Oo Ay Wada Hadlaan Intii Ka Dambaysay Kulankii Addis Ababa”

0
665

Hargeysa,(HargeisaPress) – Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa oo xilligan ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ka hadlay qaabka ugu habboon ee Somaliland guul uga gaadhi karto Wada-hadallo ay la yeelato Soomaaliya.

Buubaa wuxuu taageeray soo jeedin uu sheegay inay ka timid Urur lagu Magacaabo “Isir’, taasi oo ah in Somaliland si wanaagsan ugu diyaar-garowga Wada-hadallada Somaliland, una xil-saarto Komiishan gaar ah oo leh aqoon iyo Waayo-aragnimo la xidhiidha waxa Mandaqadda Geeska Afrika ka socda iyo waxa gudaha Somaliland ka socda, si Cidda lala doodayo oo ah Soomaaliya loogu qanci karo rabitaanka Somaliland.

Mr. Buubaa oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa isagoo ugu horrayn sharraxaya Aragtidiisa la xidhiidha Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya wuxuu yidhi “Qaabka loo galayo (Wada-hadalladu) waa inuu noqdaa Qaab cilmiyeysan, arrimaha habboon inay Somaliland aad ugu fiirsato markay Wada-hadallada galayso waxa soo jeediyey Ururka la yidhaahdo ‘Isir’, (soo jeedintaas) oo Qaramada Midoobay dhexdeeda, Midowga Afrika iyo Somaliland dhexdeedaba aad looga hadal-hayo. Arrimaha ay soo jeedisay waxa ka mid ahaa in Somaliland isku diyaariso, komiishan arrintan ka shaqayn kara oo leh Kartidii, Cilmigii waxa Maanta ka socda Geeska iyo Somaliland qudheeda waxa ka socda, dhibaatooyinka jira sidii loo xallili lahaa, in Komiishan caynkaas ah la qabto (La sameeyo) oo la fal-gala Komiishannada dhinaca Koonfurta (Soomaaliya) laga qabanayo (Samaynayo)..”

Ismaaciil Hurre Buubaa wuxuu sheega inaan loo baahnayn Caadifad “Arrintaad doonayso inay kuu suurto-gasho waa in Ciddii aad la doodaysey iyo Geeska Afrika Dawladaha ku nool ee arrintani khusayso iyo arrimo badan ayaa u baahan deraasaadkii loo baahnaa laga sameeyo, arrintaasi waa arrin muhiim ah oo saamaynaysa Qof kasta oo Somaliland jooga, sidaasi awgeed bay ila tahay hadalkii ay soo jeediyeen Madax-dhaqameedka qaarkood ee ay yidhaahdeen Arrintaasi (Wada-hadallada) waa inaanu ka qayb-qaadanaa, aniga waxay ila tahay inay arrin muhiim ah tahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Cid kasta oo muhiim ah lagu daro Wada-hadallada “Maaha Madax-dhaqameedka oo keliya, dhinaca Saxaafadda, dhinaca Bulshada, guud ahaan, sababtoo ah Arrinta laga hadlayaa waa arrin khusaysa dadka oo dhan, markaa Aniga waxay ila tahay arrintaa in si deggan oo aan Caadifadi ku jirin oo himilooyinka aad leedahay ay u suuroobi lahaayeen in loo galo.”

Siyaasi Buubaa waxa kale oo uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland iyo Dhiggiisa Soomaaliya ay wada xidhiidhaan intii ka dambaysay kulankoodii Addis Ababa “Sidii ay Addis Ababa isugu tageenba, Wararka aan Anigu hayaa waxa weeyaan way wada xidhiidhaan oo way wada-hadlaan, Arrimahan iyo Arrimo kale oo badan oo khuseeya Somaliland iyo Soomaaliya way ka wada-hadlaan, laakiin Arrintu waxay u baahan tahay sidii loogu gundo degi lahaa oo Qaybaha kala duwan ee Mujtamacuna uu si deggan oo aan Caadifad lahayd uu arrintaa u soo geli lahaa odhan lahaana waxay iyaga la tahay, Waayo? Dawladdu waxaan Dadku raalli ka ahayn qaadan mayso.”

Buubaa wuxuu soo jeediyey in Dawladdu ay shacabka la socodsiiso hadba ay halka hawlaha Wada-hadalladu marayaan “Dawladda waxa looga baahan yahay arrimuhu halkay marayaan iyo siday wax yihiin, Cidda loo qoondaynayo arrinta inay ka hadlaan ay si wanaagsan ugu bandhigto Dadweynaha.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey isagoo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyey inuu soo jeedin lahaa in Madax-dhaqameedka Wada-hadallada lagu daro “Anigu waan qabaa (In Wada-hadallada lagu daro Madax-dhaqameedka), Madaxweynuhu arrintaa si dadban buu uga hadlay, Arrintana waa arrin khusaysa Afti Dadweyne, Dadweynahana Madax-dhaqameedkaa ugu muhiimsan, markaa door aad iyo aad u muhiim ah ayaa Madax-dhaqameedka looga baahan yahay arrintan..”

Buubaa oo la waydiiyey siduu u arko Hoggaaminta Madaxweyne Biixi wuxuu kaga jawaabay “Dawladda dhaliilo faro badan baa soo jeedinayaa, waxyaabo faro badan baa ku furan, markaa arrimaha hor-yaalla iyo awoodda iyo dhaqaalaha ay hayso ayaan isku dhawayn, way u baahan tahay inay awoodda cuslayso, awoodda goleyaasheeda, sida Golaha Wasiirrada, Golaha Baarlamaanku halkuu socdo waynu isla wada ogsoon nahay, Guurtida waynu ogsoonahay siday wax yihiin. Arrimaha Somaliland qabyada ka ahi wau faro badan yihiin, qabyadaasina Dawladda ayay ka muuqanaysaa, laakiin Soomaalidu awalba waxay odhan jirtay ‘Togba taagtii rogan’..”

Geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here