Hargeysa: Telefishanka HCTV Oo Xus Balaadhan U Sameeyay Saddex Suxufi Oo Ka Baxay + SAWIRRO

0
1070

Hargeysa, (HargeisaPress) — Telefishanka caalamiga ah ee Horn Cable ayaa Magaaladda Hargeysa ugu qabtay xus geerida Rabbi naxariistii janno ha ka waraabiyee Saddex Suxufi oo ka tirsanaa isla markaana ku kala geeriyooday Magaalooyinka Muqdisho, Gaalkacayo iyo Hargeysa.

xus 2

 

Suxufiyiinta Geriyooday oo kala ahaa Alla haw u naxariistee Cabdisalaan Sheekh Xasan Xiis oo Magaaladda Muqdisho lagu dilay, Marxuum Cabdirisaaq Cali Cabdi (Silver) oo Gaalkacayo Lagu dilay iyo allah haw u naxariistee Marxuum Maxamed Daa’uud Yuusuf oo shil baabuur ugu dhintay Jidka u dhaxeeya Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.

 

Xuska loo sameeyay saddexdaasi suxufi ayaa waxa ka soo qayb galay Murashaxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga UCID, Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Wasiirka Warfaafinta, Guddoomiyaha ururka SOLJA, Guddoomiyaha Dallada SONSAF, Guddoomiyaha Horn Cable, Agaasimaha HCTV, Maamulka, Wariyeyaasha ka hawl gala Telefishanka HCTV, Wariyeyaal madax banaan iyo xubno kale.

Agaasimaha HCTV Mohamed ilig
Agaasimaha HCTV Mohamed ilig

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha Telefishanka Madaxa Banaan ee HCTV Maxamed Cabdi Sheekh Ilig, waxaanu xusay in allah haw u naxariistee Saddexdaasi suxufi ee siyaabaha kala gedisan uga baxay bahda HCTV ay ahaayeen xubno u huray dhiigooda shaqada telefishanka, isla markaana guddoomiyaha Telefishanka HCTV uu damaanad qaaday qoysaskii ay ka baxeen dhaqaalaha ku baxaya.

xus 3

 

“Waxa aynu isugu nimid xuska allah haw u naxariistee Suxufiyiin aad ugu qaali ahaa telefishanka HCTV, kuwaas oo kala ahaa Marxuum Cabdisalaan Sheekh Xasan Xiis oo Magalada Muqdisho lagu dilay, Cabdirisaaq Cali Cabdi (Silver) oo isna gaalkacayo lagu dilay iyo Marxuum Maxamed Daa’uud Yuusuf oo shil baabuur ugu dhintay jidka u dhaxeeya Magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa.

jamal cali

Maamlka telefishanka HCTV oo uu hormuud u yahay Guddoomiye Farxaan Xaaji cali waxa ay isla qaateen in qoysaska ay ka baxeen saddexdaasi marxuum ay ka mid ahaadaan bahda HCTV lana gacan qabto oo la siiyo wixii dhaqaale ah ee biilkooda joogtada ah” ayuu yidhi Agaasimaha HCTV.

xus 4

Waxa kale oo uu kula dardaarmay Shaqaalaha Telefishanka HCTV In ay isku duubni ku hawl galaan kuna dedaalaan sidii ay uga sii hor marin lahaayeen telefishanka halka uu maanta taagan yahay.

 

Guddoomiyaha Telefishanka Calaamiga ah ee HCTV Md. Farxaan Xaaji Cali Axmed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday doorkii ay shaqada ku dhex lahaayeen suxufiyiinta xuskooda maanta Hargeysa lagu qabtay “Waxa aan marka hore ilaahay uga baryayaa saddexdaasi suxufi ee xuskooda aynu u fadhinaa, runtiina waxa ay ahaayeen rag in  badan dhiigooda iyo dhuuxaba u shubay. Sida uu agaasimuhu uu u sheegay waxa aanu ka war haynaa qoysaskii ay ka baxeen saddexdaasi marxuum oo runtii ka mid ah bahda HCTV.” Ayuu yidhi Farxaan Xaaji Cali

Guddoomiyaha Telefishanka Calaamiga ah ee HCTV Md. Farxaan Xaaji Cali
Guddoomiyaha Telefishanka Calaamiga ah ee HCTV Md. Farxaan Xaaji Cali

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sidoo kale waxa uu xusay in shaqaalaha Telefishanka HCTV ay u siman yihiin dhibka iyo dheefta labadaba isla markaana aan cidnaba laga lahayn “Waxa aan idiin sheegayaa in shaqaalaha ka hawl gala telefishanka HCTV aan laga lahayn ee aynu dhamaanteenba wada leenahay, waxaanad maanka ku haysaan in dhib iyo dheef labadaba aynu wada qaybsanayno” ayuu yidhi. Md. Farxaan Xaaji Cali Axmed ayaa geesta kale bulshada u cadeeyay in telefishanka Caalamiga ah ee HCTV uu dhex ugu adeegayo bulsho weynta afka soomaaliga ku hadasha oo aanu cid gaar ah u xidhnayn “HCTV Waxa uu dhex u yahay bulshada oo dhan, mana jirto koox iyo cid gaar ah oo iska sheegan kartaa, tusaale yar hadii aan idin siiyo maalin baa qolo naga soo cabatay oo ay tidhi waxba nalagama siiyo telefishanka, laakiin markii aanu la kulanay aniga iyo agaasimuhu ee aanu u tusnay sida aanu ugu hagar baxno runtii way noo garaabeen waanan dhamaysanay, markaa sidaas baan telefishankan loo kala lahayn”

xus8

Farxaan Xaaji Cal Axmed ayaa dhinaca kale cadeeyay in Telefishanka Caalamiga ah ee HCTV uu diyaar u yahay ka qayb galka iyo tabinta doorashooyinka ka dhaci doona dalalka Somalia iyo Somaliland “Telefishanka Caalamiga ah ee HCTV waxa uu ka qayb geli doonaa isla markaana uu bulshada u soo tabin doonaa doorashooyinka ka dhacaya dalalka Somalia iyo Somaliland, sidii ay bulshadu ula socon lahayd” ayuu yidhi

xus 5

 

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku amaanay maamulka Telefishanka Caalamiga ah ee HCTV Xuska uu u sameeyay saddexdaasi suxufi ee ka geeriyooday iyo waliba ka war qabka eheladii ay ka baxeen “Waan ku amaanayaa telefishanka HCTV xuska ay u sameeyeen saddexdaasi suxufi ee ka baxay, waxaana iyaduna wax weyn ah in ay waliba kafaalo qaadeen eheladii ay ka baxeen” ayuu yidhi.

xus 11

Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto iyo Guddoomiyaha ururka SONSAF oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday dedaalka ay la yimaadeen bahda Telefishanka Calaamiga ah ee HCTV.

xus 7

Sidoo kale waxa ay u soo jeediyeen in hawl wadeenada ka hawl gala telefishanka caalamiga ah ee HCTV ay halkaasi ka sii wadaan.

 

Suxufiyiinta kala ah Yoonis Cali Nuur, Maxamuud Cabdi Cali Ducaale iyo Cali Axmed Raabi (Cali Seenyo) oo iyaguna xuskaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimada ay isku duubnida iyo wax korodhsigu u leedahay suxufiyiinta, waxaanay ilaahay uga baryeen suxufiyiintii ka baxay HCTV in uu naxariistii janno ka waraabiyo. Wasiirka Warfaafinta iyo dhaqanka Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo isaguna ka mid ahaa masuuliyiintii saaka ka qayb gashay xuskaasi ayaa tilmaamay in telefishanka Horn Cable oo ka mid ah telefishanada gaarka loo leeyahay uu dedaal dheer u galay sidii uu sii taagnaan lahaa.

hhhhhhhhh

Waxa kale oo uu saddexda suxufi ee ka baxay rabbi uga baryay in uu naxariistii janno ka waraabiyo “Allaah Haw u naxariisto Saddexdaas Marxuum ee aynu maanta xuskooda u fadhino, waxaanan ku amaanayaa Bahda HCTV dedaalka ay la yimaadeen. Waxaanse taas ii dabo taala iminka saddexdaasi suxufi ee ka baxay telefishanka HCTV laba ka mid ah oo kala ahaa allah haw u Naxariistee Marxuum Cabdisalaan Sheekh Xasan Xiis iyo Cabdirisaaq Cali Cabdi (Silver) waa la dilay, halkan oo ah Somaliland ma taalo taasi laakiin marmar baa la yara xidhaa waxaanay saxaafadu ku doodaa dhib lagu hayo.

 

Somaliland suxufiyiinta way dhawrtaa ee aynu ku xamdino nabada iyo nimcada aynu haysano” ayuu yidhi.

Jamaal Cali Xuseen Murashaxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ilaahay uga baryay suxufiyiinta ka baxay HCTV in uu naxariistii janno ka waraabiyo “Allah haw u naxariisto Suxufiyiinta ka baxay HCTV, waxaanan telefishanka HCTV ku amaanayaa dhexdhexaadnimadooda iyo waliba tabinta wararka” ayuu yidhi

xus 10

Intaasi ka dib waxa aqoon korodhsi ku saabsan habka tabinta iyo ilaalinta anshaxa loo qabtay suxufiyiinta telefishanka uga hawl gala Gobolada Somaliland iyo Dhulka Dawlada Puntland, kuwaas oo ay casharada siinayeen Suxufiyiinta kala ah Yoonis Cali Nuur, Maxamuud Cabdi Cali Ducaale iyo Cali Seenyo.

 

Sidoo kalena Magaaladda Muqdisho ayaa xus la mid ah kan hargeysa ka dhacay  iyo waliba aqoon korodhsi loogu qabtay suxufiyiinta Koonfurta Somalia.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here