Diyaarad laga leedahay Faransiiska oo ku degtay Mombasa markii lagu arkay Wax u eg Bambaano + SAWIRRO

0
870

Mombasa,KENYA (HargeisaPress) — Diyaarad ay leedahay shirkadda Air France ee dalka France ayaa si deg-deg ah ugu dagtay maanta garoonka diyaaradaha magaalada Mombasa ee dalka Kenya, kaddib markii laga helay gudaha diyaaradda wax u eg bambaano.

 

 

Mas’uuliyiinta dalka Kenya ayaa sheegay in qaar ka mid ah rakaabkii saarnaa diyaarada ay su’aalo ka weydiinayaan arrintan. Waxayna mas’uuiyiintu intaa ku dareen in diyaaraddu ay weli fadhido garoonka Moi ee magaalada Mombasa.

Diyaaraddii_Air_France_Kenya (2)

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga dalka Kenya, Joseph Nkaissery oo wariyeyaasha la hadlay ayaa sheegay in waxa bambaanada u ekaa ee diyaarada lagu arkay lagu qriyay qayb ka mid ah diyaaradda.

 

Diyaaraddan oo nooceedu ahaa Boeing 777 ayaa duulimaadkeedu uu ahaa 463, ayaa kasoo duushay saakay garoonka diyaaradaha caasimadda dalka Mouritania, waxayna kusii jeeday magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska.

 

Sidoo kale, diyaaradda ayaa la sheegay inay saarnaayeen 459-qof oo rakaab ah iyo 14-qof shaqaalihii diyaarada ah; iyadoo la sheegay in waxa bamka u ekaa lagu qariyay mid ka mid ah musuqulaha diyaaradda.

Diyaaraddii_Air_France_Kenya (5)

“Rakaabkii diyaaraddu wadday dhammaantood iyagoo bad-qaba ayaa diyaaradda laga soo dajiyay,” ayuu yidhi Charles Owino oo ka mid ah mas’uuliyiinta Kenya oo warbaahinta kula hadlayay garoonka diyaaradaha Moi ee Mombasa. Wuxuuna raacyay. “Wixii bamka u ekaa si guul leh ayaa diyaaradda looga soo saaray.

 

Dhanka kale, qaar ka mid ah rakaabkii diyaaradda la socday ayaa sheegay inay diyaaraddu si deg-deg ah u soo cago-dhigatay garoonka Mombasa, waxaana uu yidhi Benoit Lucchini oo ka mid ahaa rakaabkii diyaaradda. “Diyaaraddu hoos ayay si tartiib-tariib ah u soo aadday, markiiba waxaan garannay inuu khalad jiro.”

Diyaaraddii_Air_France_Kenya (3)

Inkastoo aan illaa hadda la ogeyn cidda diyaaradda saartay bamkan ayaa haddana waxay imaanaysaa iyadoo bishii lasoo dhaafay ay Paris weerarro ay khasaare badan geystay ku qaadday kooxda ISIS, iyadoo tan iyo xilligaasna uu dalkaas ku jiro xaalad-deg-deg ah.

 

Ugu dabmeyn, laba diyaaradood oo ay leedahay shirkadda Air France ayaa 18-kii bishii November waxay si deg-deg ah ugu dageen garoommada Washington iyo Los Angeles ee dalka Mareykanka, kaddib markii looga shakiyay in bam saaran yahay, inkastoo aan bam ah laga helin.

Diyaaraddii_Air_France_Kenya (1)

Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda Faransiiska iyo Mouritania ayaan illaa hadda ka hadlin diyaaraddaan lagu arkay waxa bamka u eg ee sida dhaqsiyaha badan ugu dagtay Garoonka diyaaradaha Moi ee magaalada Mombasa-Kenya.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

 

fikirkaaga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here