Hargeysa: Jaamacada ADMAS Oo Xalay Muxaadaro Uqabatay Ardayda Dhigata + SAWIRRO

0
929

HARGEISA, (HargeisaPress) — Jaamacada Admas ayaa shalay Casarkii uqabatay ardayda kala duwan ee dhigata muxaadaro diiniya oo ciwaan keedu ahaa KUMAAD TAHAY.

IMG_7141(1)

Muxaadaradan ayay jaamacadu ku qabatay Maynkambaska ay jaamacadu ku leedahay magaalada Haragaysa, halaakaasi oo ay iskugu wada keentay inta badan arday qaybaha kala duwan ee jaamacada dhigta.

IMG_7049

 

 

Muxaadaradan ayaa waxaa soo jeedinayay sheikh Xasan Muxumed Cumar (Sheekh Jaabir)  waxaana ka soo qayb galay marka laga yimaado ardayda wax kabarata jaamacada Admas maamulka jaamacada iyo macalimiinta wax kadhiga jaamacada.

IMG_7046

 

Sheikh Jaabir oo kamida culumada cilmiga badan uleh diinteena ayaa  intii uu kuguda jiray Muxaadarada  usoo bandhigay ardayda Tusaalooyin badan oo ku saabsan nolasha ardaynimo iyo sida loogu baahanyahay in laga faa’iidaysto nimcada uu ilaahay inagu manaystay.

IMG_7143

Muxaadaradan ay jaamacadu ardayda uqabatay ayay ardaydu ku tilmaameen mid mihiim ah, kana hadlaysa mawduuc aad ugu mihiima ardayda. Ardayda ka soo qayb gashay oo aad ubadnaa ayaa si habsami leh u dhagaysanayay muxaadarada. Jaamacada admas ayaa ay talaabadani kamid tahay waxyaabaha ay jaamacadaha kale ee kuyaal dalka dheertahay , taasi oo maamulka jaamacadu uu xil wayn iska saaro in uu ardayda ku soo kordhiyo hadba waxa uu isyidhaa waa mihiim ee ay ardaydu ka faa’iidaysan karaan.

IMG_7026

IMG_7019

IMG_7044(1)

IMG_7004

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here