Madaxweyne Barack Obama oo Soomaaliya u Magacaabay Danjire Cusub

0
874
Madaxweyne barack obama

WASHINGTON, DC (HargeisaPress) —Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama ayaa u soo  magacaabay Isniintii shalay ahayd danjiraha cusub ee Mareykanka u joogaya Somalia, Stephen Michael Schwartz.

 

Warbixin lagu daabacay website-ka Aqalka Cad ee dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in Stephen Michael Schwartz uu noqon doono safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, wuxuuna bedelayaa safiirkii horay loogu soo magacaabay Soomaaliya oo uu madaxweyne Obama uu dib uga laabtay sannadkii hore.

 

 

Stephen Schwartz oo in muddo ah kasoo shaqeeyey waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa hadda ahaa Agaasimaha xafiiska Waaxda Arrimaha Dibadda u Qaabilsanaa Arrimaha waddamada Australia, New Zealand, iyo Jasiiradaha Pacific-ga, xilkan oo uu hayay tan iyo bishii August ee sannadkiii 2015-ka.

 

Dhanka kale, Wuxuu horay u ahaa Agaasimaha Xafiiska Arrimaha Galbeedka Afrika, intii u dhaxeysay Sannadihii 2013-kii illaa 2015-kii, wuxuuna xilligaas ka hor ahaa ku xigeenka madaxa Howl-galka Safaaradda dalka Mareykanka ee magaalada Lusaka ee Dalka Zambia intii u dhaxeysay sannadihii 2010-kii illaa 2013-kii.

 

 

Ugu dambeyn, Danjire Stephen Schwartz ayaa Howshiisa billaabi doona marka ay Senate-ka dalka Mareykanka ansixiyaan magacaabiddiisa.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here