Xukuumada Siilaanyo Waa Xukuumadii Kor U Qaadka Cadaalada Iyo Garsoorka.

0
777

Garsoorka iyo cadaaladu waa aasaaska bulshada islamarkaana uu qaran waliba ka koro kana hagaabo,  bulsho aan cadaalad gelin waa hagaastaa mana korto waxaa ragaadiya cadaalad xumo waxaana ay hor seedaa dagaalo iyo dunuubo  badan kuwaas oo siday ku dhamaadan aad u adagtahay,  bulsho waliba hadii aanay celin cadaalad dhamaystiran waa bulsho burbursan  oo ay jahadii ka habowday.

 

Xukuumada Axmed Maxamed Siilaanyo waxay dib u habayn ku samaysay  bahda garsoorka iyo cadaalada,  taasoo dalka oo dhan laga wada dareemay islamar ahaantaana bulshada Somaliland si wanagsan usoo dhawasya ka dib markii Madaxweynuhu uu Maxkamada sare u magacaabay  Aadan Xaaji Cali Axmed o ah sharci yaqaan sidoo kalena markii uu xilkaasi la wareegay dar dar geliyey cadaaladii isagoo dib u habayn ku sameeyey .

 

Intii Aadan Xaaji Cali loo magacaabay Gudoomiyaha Maxkaada dastuurigaa waxaa guud ahaan dalkaba laga wada dareemay isbedel cadaaladeed oo saamyey gobolada iyo degmooyinka dalka, waxaa sidoo kale la arkay iyadoo lasoo gaba gabeeyey qaar kamida kiisaskii mudada sanaawadka ah soo jiitamaayey oo qaarkood laga gun gaadhay taasi markii dadkii dacwadaha ku jiray la waydiiyey dareenkooda ay tilmaameen inay arkeen cadaalad buuxda kuna qanceen xukunadaasi.

 

Dhamaan Xukuumadahii kala duwanaa ee dalka soo maray waa xukuumadii ugu horaysay ee dib u habayn ka sumaysa dhanka cadaaalada iyo garsoorka oo dadku  baahi qeyn u qabeen inay maruun helaan cadaalad buuxda, Xaaji Axmed Siilaanyo noqonayaa Madaxweynihii ugu horeeyey ee dhanka cadaalada dar dar geliya wax ka bedelna ku sameeyey si loo horumariyo dadkuna ay u helaan cadaalad iyo sinaan .

 

Umadda Somaliland waxan leeyahay ilaahay cadaalada iyo garsoorka haynoo hagaajiyo waa halka bulshadu ka hana qaadee, waxaan hanbalyeynaynaa Madaxweynaah qaranka eek u dhiiraday inuu isbedel dhanka wanaaga ah ku sameeyo cadaalada dalka sidoo kale waxaa amaan leh gudoomiyaha maxkamda sare iyo  oo dhankiisa isbedel weyn ku sameeyey hanaankii cadalada.

 

 

Cali Xasan

calixasan806@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here