HargeisaPress Waxay Shucuubta Islaamka Iyo Shacabka Somaliland-ba Ku Bogaadinayaan Curashadda Bisha RAMADDAAN

0
973

Hargeysa, (HargeisaPress) —Maamulka, Shaqaalaha iyo Weriyeyaasha kala duwan ee Shabakadda Caalamiga ah ee HargeisaPress waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Shucuubta Islaamka guud ahaan, gaar ahaanna Shacbiga Somaliland meelkasta oo ay joogaan-ba Curashadda bisha barakaysan ee RAMADDAAN.

 

Waxaannu leennahay RAMADDAAN KARRIIIM “KULLU CAAM WA-ANTUM BILKHAYR” ILaahay waxaannu ka baryaynaa innuu Bishaa bisheedda innagu gaadh-siiyo Bash bash iyo Barwaaqo.

 

Bisha Barakaysan ee Ramadaan, ayaa Caawa curatay, isla markaana laga arkay dalalka Sucuudiga, Kuwayt iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaanay dowladaha dalalkaasi shaaciyeen inay Caawa Ramadaan kow tahay.

 

Dunida Islaamka, ayaa laga soo-mayaa maalinta koowaad ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan Isniinta Berri,

Bisha Barakaysan ee Ramadaan, ayaa laga arkay Caawa dalalka Kuwayt,Sucuudiga iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaanu Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Sucuudigu shaaciyey iny caawa Ramadaan koow tahay, isagoo sheegay inuu guud ahaan Ummadda Islaamka ugu bushaaraynayo Curashada Bisha Ramadaan ee dalkiisa iyo dalalka kale ee Islaamka laga arkay, ALLAAH-na uu uga baryeyo Ummadda Islaamka inuu Khayrka Bisha Ramadaan siiyo.

 

 

Bisha ka horreysa Ramadaan ee Shabcaan, ayaa ku dhammaatay 29, iyadoo caawa 30 noqon lahayd, haddii aan la arkeen Bisha Barakaysan ee Ramadaan ee Sucuudiga iyo dalalka kale ee Islaamku sheegeen in ay arkeen fiidkii caawa in Ramadaan bilatay.

 

Qaar ka mida Masaajidada Caasimada Hargeysa ayaa intooda badani markii laga baxay Salaadda Cishaa’I ay bilaabeen Salaadda Taraawiixda ee Ramadaanta la tukado.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here