“In Hargaysi Daammo isku qayb-qaybiso waa nasiib darro weyn”….

0
386

Hargaysa (HP): Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay kala qaybsanaanta qabyaaladda ku salaysan ee sanadahan danbe aad uga dhex jirta bulshadda reer somaliland.

Waxaanu sheegay C/raxaam Saylici, in arrintaasi ay imika marayso in bulshadu kala sheegato meelaha laga fulinayo mashaariicda horumarineed ee dalka laga hirgelinayo iyo xataa magaalooyinka dalka.

Saylici, ayaa intaas raaciyay in iyadoo Somaliland ay muddo sodon sanadood ah sheeganayso in ay qaran madax banaan tahay, in haddana ay bulshadu marayso heer ah in ay isku qaybiyaan Daammo, xaafado, iyo kala sheegasho deegaamadda ah.

Madaxweyne ku-xigeenku waxa kaloo uu sheegay in mashruuc kastoo horumarineed oo dalka laga fuliyo inuu qaranku leeyahay, sidaas darteedna in bulshadda reer Somaliland looga baahan yahay in ay taas fahmaan.

Balse dariiqa qaldan ee ay hadda bulshadda reer Somaliland ay qaateen ay tahay in qabiilaysi iyo kala sheegasho magaalooyinka ay sii xoogaysanayso, isla markaana xataa magaalooyinka in Daammo loo kala sheeganayo.

Waxaanu yidhi, “Fariinta aan maanta umadda reer Somaliland u dirayaa waxa weeye, dalkani wuu dhismayaa, mashaariico badan baa soo socda. Mashruuc kastoo yimaadaa, qaranka ayuun buu u yimid, ee qolon na uma iman, deegaan na uma iman. Waxaa muhiim ah in dadku fahmo.

Meel kale ba iska daayoo, in Hargaysa ay is qayb-qaybiso, oo ay daamo kala sheegato, waa nasiib darro weyn. 30 sanadood na qaran baynu sheeganaynaa haddii aan reer Somaliland nahay”.

“Mashruucii meel laga dhisaba in cidi gaar u sheegato. Waxaan haayadaha leenahay, wuxuu deegaanku xaq u leeyahay, oo keliya in shaqaalaha hoose lagu xushmeeyo. Waxa kale bulshadda reer Somaliland si siman bay xaq ugu leeyihiin meel ay joogaanba”ayuu yidhi C/raxmaan Saylici.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad uu maanta ku dhagax dhigayay cusbitaal aad u weyn oo casri ah oo laga dhisi doono xaafadda Masalaha ee koonfurta magaaladda Hargaysa.

Geesta kale dhismaha cusbitaalkani oo ay maalgelinayso haayadda Al-Raxma ee dalka Kuwait laga leeyahay, isla markaana waxaa hirgelinaysa haayadda ARC, kaasoo loo qorsheeyay inuu noqdo cusbitaal aa du weyn oo qaybo kala duwan ka kooban.

C/raxmaan Saylici, ayaa u mahad naqay cid kastoo qayb ku lahayd in hawsha dhagax dhiga cusbitaalkaasi ay qabsoonto iyo cida maalgelinaysa oo ay ugu weyn tahay haayadda Al-Raxma ee dalka Kuwait.

Waxaanu sheegay in mahad naq balaadhan ay u celinayaan Somaliland ahaan dawladda Kuwait oo  mashaariic la taaban karo ka qabatay dalka, iyo sidoo kale odayaasha deegaanka Masala ee cusbitaalkaasi laga dhagax dhigay.

Dhinaca kale waxaa munaasibaddii dhagax dhiga cusbitaalkaasi ka qayb gallay xubno ka mid ah golaha wasiirrada Somaliland oo uu ka mid ahaa wasiirka caafimaadka Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi, guddoomiye ku-xigenka koowaad ee golaha Wakiiladda.

Masuuliyiin ka socday haayadda ARC ee dalka Kuwait laga leeyahay, maayar ku-xigeenka caasimadda Hargaysa, siyaasiyiin, madax dhaqameed, iyo dadweyne kale.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here