Hargaysa: C/kariin Xinif Oo Balan Qaaday In Uu Shaqaalaysiinayo Hooyo Shaqo Laga Eryay

0
540

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha Hay’ada Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka Cabdikariim Maxamed Axmed Xinif, ayaa sheegay in uu shaqo siin doono Hooyo si bilaa naxariisa looga eryay shaqo ay ka haysay meher ku taala Magaalada Hargaysa.

Waxaanu u soo jeediyay in cidii Hooyadaa Garanaysaa ay ugu keenaan Xafiiska Hay,ada Qaxoontiga iyo Barakacayaasha.

Sidaasina waxa uu ku sheegay qoraal uu maanta soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook.

Waxaanu hadal kiisa ku bilaabay sidan:

“Hooyada Caruurta Korsanaysa ee halkan lagu soo bandhigay ee la Sheegayo in Shaqadii laga eryay Shaqadii 70 dolar.

Dareen bay ku abuuraysaa damiirkiisu damqanayo ee Caruur iyo Hooyo danyar ah”.

“Waxa aan Codsanayaa in cidii Garanaysaa iigu keento Xafiiska Hay,ada Qaxoontiga Barakacayaasha Qaranka anigoo ILLAAHAY SWT la Kaashanaya waxaan siinayaa shaqo ka wakhi yar labo Saddex Saacadood ah.

Inta kale-na iyadaa Iskeed uga Faa,iidaysanaysa cidii kale wax ku Caawin karaysaa way u furantay tahay alaah haka abaaliyo”ayuu ku yidhi qoraalkiisa C/kariin Xinif.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here