Hantidhowrka Somaliland oo Baadhitaano Musuq-maasuq Ku Wada Maamulka Degmada Faraweyne

0
608

Hargeisa (Hargeisa Press)- Hantidhowrka guud ee qaranka Somaliland ayaa waxa ay baadhitaano la xidhiidha arimo musuq maasuq ku bilaabeen Maamulka degmada Faraweyne.

Xogaha laga helayo baadhitaanada musuq maasuq ee Maamulka Degmada Farawayne ayaa sheegay in maalintii shalay ahayd maamulka degmada looga yeedhay xafiiska Hantidhowrka ee magaalada Hargeysa halkaasi oo ay su’aalo iyo xogo dheeraada Ku waydiinayeen kooxdii hore u tagtay Degmada ee baadhitaanka  ku soo samaysay.

Wararka laga helayo eedaha Musuq maasuq ee dul hooganaya Maamulka Degmada Farawayne ayaa tibaaxaya in xubnaha looga yeedhay xafiiska hantidhorwka ay kala yihiin sidan:

Gudoomiyaha degmada Faraweyne

Gudoomiye ku xigeenka degmada Faraweyne

Xoghayaha degmada Faraweyne

Xisaabiyaha degmada Faraweyne

Dhinaca kale, Afartan masuul ayaa la sheegay in mudo wax laga waydiiyay tuhunada musuq maasuq ee loo haysto, walow aanay jirin wali wax si cad loo shaaciyay.

Maamulka degmada Faraweyne oo mudo bulshada ku dhaqan degmadaasi ka muujinayeen cabashooyin la xidhiidha Cashuuro dheeraada oo ay dul dhigeen Beeralayda Deegaanka iyo wax qabad la’aan ayaa wakhtigan waxaa 48kii sacadood ee u danbeeyay lagu waday baadhitaano culus, iyadoo xogaha qaar sheegayaan in maamulka degmada  laga waayay buugaagtii cashuur qaadista oo aan xataa la haynin qaybihii loogu talo galay in ay soo hadhaan laguna sameeyo xisaab celinta, taasi oo laga cabsi qabo in wakhtiyada soo socda ay sababto in gabi ahaanba maamulka degmada xabsiga la dhigo.

Xafiisa hantidhowrka qaranka ayaa iyagu baadhitaanada ay ku samaynaan xafiisyada dawlada iyo degmooyinka uga dan leh sidii loo toosin lahaa hab xisaabeedka qaranka loona ilaalin lahaa hantida qaranka.

Dhanka kale, Gudoomiyaha degmada Farweyne ayaa aad loogu dhaliilaa in uu wakhtigiisa inta badan ku qaato magaalada Hargeysa, islamarkaana aan wax badan kala socon xaalada degmada ee uu maamulka ka yahay.

Dadwaynaha ku dhaqan degmada Faraweyne oo kamid ah degmooyinka ugu balaadhan kuwa hoos yimaada gobolka Maroodi Jeex ayaa gabi ahaanba helin adeegyadii looga baahnaa Xukuumada taasi oo cabasho ay shacabka deegaanku muujiyeen bishii Ramadaan ay sababtay in maamulka degmada xabsiga u taxaabaan inka badan 15qof kuwaasi oo magaalada Hargeysa ku xidhnaa mudo dheer.

Degmada Faraweyne ayaa kamida degmooyinkii sida wayn u taageeray Xisbiga Kulmiye doorashadii Madaxtooyada iyagoo qayb wayna ka ahaa guushii uu ku hantiyay kursiga dalka ugu sareeya Madaxwayne Biixi, Iyadoona aanay wali Bulshada Degmada Faraweyne wax qabad la taaban karo aanay ka helin mudadii uu xilka hayay marka laga reebo maamul ragadiyay hawlihii degmada oo Wasaarada Arimaha Guduhu u magacowday.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here