Toban Sanno Kadib Ubaxii Ay Soo Saartay Jaamacada ADMAS Oo Lagu Casuumay Magaalada Hargeysa + SAWIRRO

0
571

Hargeysa,(HargeisaPress)—Xaflad nooceedu ku cusub tahay dalka oo lagu qabtay magaalada Hargeysa taasi oo u jeedkeedu ahaa ardaydii kala duwanayd ee ka qalin jabisay toban kii sano ee ugu danbeeyey Jaamacada ADMAS ee magaalada hargeysa guulihi ay gaadheen iyo waliba sida balaadhan ee ay horumarada kala duwan ee dalka ka socoda ay qayb ka yihiin qaybihiisa kala duwan sida Waxbarashada, Siyaasada, Ganacsiga, Saxaafada iyo waliba Arimaha Bulshada.

Hadaba ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Xuseen Cabdilaahi Ibraahin oo ah madaxweyne ku xigeenka jaamacada Admas ayaa faah-faahin balaadhan ka bixiyey u jeedka ay u qabteen Munaasibada bilan ee lagu soo xulay qayb ka mid ah ardaydii ka qalin jabisay jaamacada Admas mudo 10 sanno ah ee ugu danbeeyey kuwaasi oo lagu soo xulay in ay guulo ka gaadheen geediga waxbarasho iyo waliba qaybaha kala duwan ee horumarineed, waxaanu yidhi (‘’Xaflada aynu caawa u fadhino, aasaaskii jaamacadda kama turjumayso waxay ka turjumaysaa wax soo saarkeeda oo ahaa 2009 iyo sanadkii u danbeeyey oo ahaa 2018 oo ah toban sanno oo xidhiidh ah,waa Cream(Labeen) kii wadanka, inta halkan fadhidaa maaha macnaheedu dhamaan ardaydii ka baxday ayeynu soo xulnay inta halkan fadhidaa waa qayb ka mid ah ardaydii ka baxday jaamacada mudadaasi waxa jaamacada ka baxay tirro ku dhaw 7,000 arday(Todoba kun oo arday, in arday aan dalka ka bixin SOMALILAND wax ku bartay uu tartamo oo uu jaamacaadka dunida ugu qaalisan kuwooda ugu horeeya uu u tartamo oo uu Harvard University uu u tartamo waa wax weyn, Mr Qamar caawa inalama joogo se sacabka ha loo tumo.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu waxa kale oo uu sheegay(‘’Jaamacadu mudadaa ay jirtay dadkii ay soo saaraysay qaybaha kala duwan ee bulshada ayey ku jiraan Waa Siyaasiyiin,waxaanan ka tilmaami karaa Agaasime mukhtaar oo ah agaasimaha ugu da’da yar xukuumadihii kala danbeeyey ee Somaliland, xukuumadii madaxweyne Siilaanyo iyo waliba xukuumada hada ee madaxweyne Muuse Biixi waa midhaha jaamacada ayuu ka mid yahay, Dirir oo murashax ayaa ka mid ah,  waxa ka mid ah ganacsato iyagu mashaariic ay hal abuurkooda leeyihiin iskood u ikhtiraacay, ganacsiga qaybihiisa kala duwan hadii aad eegto qayb kasta wey kaga jiraan, shirkadaha waaweyn hadaad eegto iyagana waa u ku jiraan, shirkadaha isgaadhsiinta madaxdooda kala duwan, saxaafada ayaa iyana ka mid ah midhaha ay soo saartay jaamacadda Admas. Ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka jaamacada Admas.

Qaar ka mid ah ardaydii ka qalin jabiyey jaamacada Admas ayaa iyana halkaasi ka sheegay guulaha ay gaadheen oo ay ku gaadheen geedigii wax barasho ee ay ka aflaxeen jaamacada Admas guulaha ay ku gaadheen,  kuwaasi oo sheegay in ay heleen wakhtigii ay ku soo biireen jaamacada Maamul wanaagsan oo hufan, macalimiin aad ugu heelan in ay ardayda wax u dhigaan iyo waliba hanaan jaamacadeed oo sareeya oo la tartami kara jaamacadaha caalamaka.

Gebo-gebadii waxa halkaasi ka hadlay  masuuliyiin ka mid ahaa marti sharaf ka soo qayb gashay oo ay ka mid ahaayeen Wasiir ku xigeenka wasaarada qorshaynta qaranka, Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta, Agaasimayaasha Madaxtooyada, Arimaha Dibada, iyo warfaafinta iyo waliba Marwo Faadumo siciid oo ka socotay xisbiga Waddani iyo Cabdikariin Axmed Mooge, Prof Jaamac Muuse Jaamac, Afhayeenka madaxweynahaiyo la taliyaha Madaxweynaha ee arimaha bulshada.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadashay marwo Faadumo Siciid Iyo Waliba Cabdikariin Axmed Mooge oo si wada shir ah dhambaalo hambalyo ah u diray dhamaan ardaydii ka qalin jabisay jaamacada Admas oo ay sheegeen in maanta ay tahay in lagu faano ardaydaasi guulaha gaadhay ee tobankii sanno e u danbeeyey dalka u soo baxayey waxaanay sheegeen in ay jecel yihiin in lla helo ubax wanaagsan oo dalka u soo kaca waxayna jaamacada Admas uga mahad celiyeen sida hagar la’aan ta ah ee ay markasta ugu heelan tahay ka qayb qaadashada horumarka dalka oo ay aqoontu ka kowtahay.

Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada JSL Maxamed Cali Bile Madaxa xarunta dhaqanka Jaamac Muuse Jaamac iyo waliba afaheeynka madaxweynaha JSL Maxamuud Warsame Jaamac ayaa jaamacada Admas ku bogaadiyey sida wanaagsan ee ay uga qayb qaadatay horumarka dalka waxaanay sheegeen in ay ku farax san yihiin in midhihii ay jaamacadu soo saartay mudo toban sano ee u danbeeyey ay maanta qaar ka mid ah arkaan horumarka ay ka gaadheen nolosha.

Gebo-gebadii waxa hadalka iskaga danbeeyey wasiir ku xigeenada wasaaradaha warfaafinta Cabdinaasir Cumar Jaamac iyo qorshaynta Xuseen Ibraahin Buuni oo madasha ka sheegay in ay u muuqato ididiilo ah in dalka ay u soo kaceen dhalinyaro faro badan oo aqoon yahan ah oo mustaqbalka meel sare gaadhsiin doona Somaliland taasi oo jaamacada hormuud ugu tahay in ay isbadaldaasi qayb ka noqoto waxaanay sheegeen in ay hambalyo u dirayaan dhamaan cid kasta oo jaamacada Admas ka baxday islamarkaana dalkooda wax ku soo kordhiyey.

Ugudan bayntii waxa halkaasi abaal marino lagu gudoon siiyey qaar ka mid ah dadka sida weyn uga dhex muuqda bulshada qaybaheeda kala duwan kuwaasi oo ka soo baxay Jaamacadda Admas.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA XAFLADA

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

LEAVE A REPLY