Xisbiga Waddani: Waa Nasiib-darro In Puntland iyo Taliye Taani Isku Si Ugu Farxaan Ciidan Somaliland Ka Goostay..”

0
594

Hargeisa (Hargeisa Press)- Xoghayaha guud ee Xisbiga Wasiirka Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay inay nasiib-darro tahay in Taliyaha Millateriga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani iyo Maamulka Puntland si isku mid ah ugu farxaan Ciidan Somaliland ka goostay.

Xoghaye Khadar oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa, waxa uu sheegay inuu Taani isbaaro ku noqday wadajirkii Ciidanka uu Taliyaha u yahay iyo nabadgelyada Jabhadda Caarre laga soo waday ee Madaxdhaqmeedku muddooyinkanba ka shaqaynayeen.

Dhinaca kale, Xoghayaha Xisbiga Waddani ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi inuu mawqif cad iska taaggo hadalka Taliyaha.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here