Hambalyo Maayarka Cusub ee London, Sadiq Khan Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan

0
883

HargeisaPress —London oo ah magaalooyinka ugu weyn uguna caansan caalamka ayaa u dooratay Sadiq Khan duqa (mayor-ka) London. Sadiq Khan waa nin Muslim ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Pakistan.

 

Shakhsiyan anigu waxa aan deganaa kana soo shaqeeyay magaalada London muddo dheer. Carruurtayda, qaar ka mid ah ehelkayga, Soomaali badan iyo dadyow kale oo Muslim ah ayaa ku nool magaalada London. Markii aan London deganaa waxa aan taageeri jiray Xisbiga Shaqaalaha oo ah kan uu matalayo Sadiq Khan.

 

Sidaa darted, waxa aan u arkaa guul weyn oo xisbigu gaadhay iyo weliba tallaabo mug leh oo loo qaaday dhinaca isku-soo-dhawaanshaha diimaha iyo is-dhexgalka qoomiyadaha kala duwan ee ku nool London iyo guud ahaan Boqortooyada Ingiriiska.

 

Guushan ayaa timid iyada oo ay caalamka uu ku sii  xoogaysanayso, soona badanayaan dadyowga ka soo horjeeda Islaamka sida xawliga ah ugu fidaya Qaaradda Yurub isla u ololeeya in laga hortago. Dadweynaha degan London ayaa arrintaa beeniyay, iyga oo muujiyay in dadka London ay mid yihiin.

 

Sadiq Khan ma ha kaliya ee Muslim ah ee magac u soo jeeday Muslimiinta ku dhaqan London, laakiin hore waxa aynu u ogeyn in orodyahanka reer Somaliland ee Maxamed Faarax uu magac u soo jiiday London iyo guud ahaan Boqortooyada. Sidoo kale waxa magac u soo jiiday London feedhyahanka reer Pakistan ee Amir Khan iyo Nidiya Xuseen oo ah gabadh u dhalatay wadanka Bangaldesh.

 

Waalidka Sadiq Khan waxa ay ka soo haajireen Pakistan sannadkii 1947-kii markii Pakistan la qaybiyay. Sadiq aabihii Amaanulaah Khan waxa uu muddo 25 sanno ah ahaa dirawal bas, halka hooyadii Sehrun ay dharka toli jirtay. Sadiq Khan waan shahaada koowaad ka sida culuunta sharciga. Waxa uu xilal wasiirnimo soo qabtay wakhtigii Gordon Brown. Waxa uuna ahaa ninka ugu dhow ee dhinaca sharciga kala taliya hogaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha ee Ed Milliband.

 

Iyada oo ay jirto guulahaas ay ashkhaastaas Muslimka ah ay u soo jiideen magaalada London, waxa aan teegeero u muujinaya Sadiq Khan waxaanan u rajaynayaa in uu xilkaas si wanaagsan oo taariikhda gasha uga soo bixi doono. Waxaanan ku boorinayaa dhammaan dadka Muslimiinta ah in ay taageero u muujiyaan Sadiq Khan.

 

 

Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here