Gurmadka Abaaraha: Deegaamo la gaadhsiiyey deeq Biyo ah iyo qaylo-dhaan hor leh + SAWIRRO

0
744

Urur Qurba-joog ah oo 750 Foosto oo Biyo ah  gaadhsiiyey 3  Deegaan oo ka tirsan Gobolada Maroodi-jeex  iyo Gabiley..

Hargeysa, (HargeisaPress) —Deegaamo ka tirsan Gobolada Hargeysa iyo Gabiley oo  ay Abaaraha dalka ka jiraa  si xun u  saameeyeen , ayaa waxa la gaadhsiiyey Kaalmo biyo ah oo ay ku deeqeen xubno kamid ah Jaaliyada reer Somalland ee Wadamada Dibadu.

Kaalmadan oo Ururka Qurba-jooga ee magaciisa la yidhaahdo TOLJIRE ugu talo-galay inay kaga qayb-qaataan gurmadka qaran ee Abaaraha, ayaa deegaamada la gaadhsiiyey waxa kamid ah Degmada Faro-weyne iyo Tuulooyin hoos-yimaada Degmada Gabilay, sida Deegaanka Mataan oo kamid ah meelaha Abaartu sida xun u saameysay bilihii u dambeeyey.

BIYO MM

Sidoo kale, waxa deeqda Biyaha ah la geeyey Deegaamada Dacawalay iyo Dacarta oo ka tirsan Degmada Faro-weyne ee Gobolka Maroodi-jeex, kuwaasoo iyagana ay ka jirtay Biyo iyo Raashin la’aan xooga oo  Dad iyo Duunyaba hagaasisay.

 

Munaasibado  gooni-gooni ah oo loo sameeyey wareejinta deeqdan,  ayaa  Deegaan walba  Odayaasha iyo Waxgaradka  waxa lagu guddoonsiiyey Kaalmada loogu talo-galay, iyadoo  fulinta howshaas  Ururku u soo wakiishay Muwaadiniin dalka gudihiisa jooga, waxaana Xajmiga guud ee deeqdu ahayd 750 Foosto oo Biyo ah, taasoo deegaan walba qayb la gaadhsiiyey.

BIYO KMNA

“Deeqdan waxa soo diray Ururka Qurbo-joogta ee TOLJIRE oo kaga qayb-qaadanaya  gurmadka Abaaraha. Deegaanka Mataan waxa la geeyey 3500 Foosto oo Biyo ah, Dacarta 250 Foosto, bulshada reer dacawaleyna  Ururku ku wareejiyey  150 Foosto” sidaas waxa sheegtay Ifraax Maxamuud Sh. Yuusuf oo Ururku ku soo hagaajiyey Kalmada. “abaar aad iyo aad u xun ayaa ka jirta Dalka, Xoolo iyo dadba waa Abaar saameysay” ayey ku dartay Ifraax hadalkeeda iyadoo ka hadlaysay Deegaanka Mataan.

 

Odayaasha  iyo Waxgaradka deegaamadaas  oo iyaguna xafladaha lagu wareejiyey Mucaawimada hadalo ka jeediyey, ayaa si mug leh uga mahad-naqay gurmadka loo fidiyey oo ay sheegeen inay baahi weyn u qabeen, iyagoo geesta kalena tilmaamo ka bixiyey Baahiyaha kale ee  jira Deegaamaddooda, oo ay qaar abaaruhu dhaliyeen iyo qaar horeba u jiray oo ay kamid yihiin baahiyaha adeegyada aasaasiga ah, sida Caafimadka, Waxbarashada iyo Biyaha.

070f3bba-c782-49e3-bf07-e6bba3b73c83

“baahidu maaha biyo qudha ee waxaanu u baahanahay oo noogu daran Raashin, Daawo iyo Caweys la siiyo xoolaha yar ee soo hadhay” sidaas waxa yidhi Guddoomiye k-xigeenka Tuulada Dacawaley, Axmed-yaasiin Qudh oo ka hadlayey Xaflada lag wareejiyey Taakulada, isagoo intaas raaciyey “Xaalada dadka iyo Xooluhuba aadbay  u liidataa” ayuu yidhi isagoo dhinaca kale  u mahad naqay dadka Qurbo-jooga ah ee Kaalmadan  u soo diray.

 

Dhinaca kale, Odayaasha iyo Waxgaradka Deegaanka Dacarta oo ka hadlay xaflada guddoonsiinta Deeqda, ayaa  Guddida Abaaraha Qaranka ugu baaqay inay Raashin iyo Daawooyin soo gaadhsiiyaan Dadka ku dhaqan Deegaankan, iyagoo tilmaamay in dhibaatada ugu daran ee iminka Degmada ka jirtaa ay tahay cunto yaraan. “Biyahaas iminka naloo keenay waxa laga yaabaa in Guryaha qaarkood aanu oolin raashin lagu karsadaa, markaa dawladda iyo Shicib wixii wax nagu tari kara waxaanu leenahay waar waanu bakhtiyeynaa ee noo soo gurmada” ayuu yidhi Oday Maxamed Xuseen Xaaji (Jab-libaax) oo kamid ah Odayaasha Deegaanka Dacarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here