Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Maanta Iska Diinwaangaliyay Xarunta Shaqaalaha Dawladda Oo Kamid Ah Goobaha La Dhigay Diiwaangalinta + SAWIRRO

0
749

Hargeysa, (HargeisaPress) — Diiwaangalinta codbixiyayaasha ayaa waxay saaka si rasmi ah uga bilaabmatay guud ahaanba gobolka maroodi-jeex.

 

Waxaana Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo ay Wehelinayeen qaar ka mid ah saraakiisha sare ee Xisbiga Ucid ay  iska soo diinwaangaliyeen Xarunta Shaqaalaha Dawladda oo iyadu kamid ah goobaha la dhigay sanduuqa diiwaangalinta.

diwan 22

Gudoomiyaha ayaa markii uu isasoo diinwaangaliyay Warbaahinta Kula hadlay afaafka hore ee Xarunta waxaanu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu maanta is diinwaangaliyo .

 

Sidoo kale Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in hakintii ay hakiyeen Diinwaangalina ay keentay in Raxmaadkii roobku inoo da’o .

diwan 10

Gudoomiyaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhimadda ay Diinwaangalintu u leedahay dhismaha Dawladnimo, isagoo ka digay Qabyaaladda oo uu sheegay in ay tahay wax xun oo dib u dhacc keenta , dawladnimada khattar ku ah .

diwan 9

Ugu danbeenti warbaahinta oo wax ka waydiisay saadaasha uu ka bixinayo Doorashada iyo Rajjada Xisbigiisa Ucid, ayaa waxaa uu Gudoomiyuhu sheegay in sannadkani yahay sannadkii Xisbiga Ucid talada dalka qaban lahaa .

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here