Gudoomiyaha Xisbiga Ucid iyo Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Oo Socdaal Ku Tagay Gobolka Sool Deeq Xoolo, Dawooyin Isugu Jirana Ku Wareejiyay Ciidamda Qaranka +SAWIRRO

0
1078

Laascaanood, (HargeisaPress) — Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Iyo Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Ayaa Socdaal Ku Tagay Gobolka Sool Magaalo Madaxdiisa Laas Caanood

Waxaa safarkan Gudoomiyaha Ucid ku wehelinayay Qaar ka mdi ah Masuuliyiitna Xisbiga Ucid oo ay ka mid yihiin Gudoomiye ku Xigeenka Sadexaad ee Xisbiga Ucid Muj Cali Guray , Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada ee Xisbiga Ucid C.qani Ibraahim Salaf , Xoghayaha Arrimaha Bulshada C/raxman Axmed Cali , Xoghayah Warfaafinta Yuusuf Kayse C/laahi , Xoghayaha Xuquuqul Insaanka Xuseen Badmaax , Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ee North America Cali Yuusuf Qaalib , Axmed Cali Diiriye Oo ka mid ah Golaha Fulitna ee Xisbiga Ucid iyo Masuulyiin kale .

DSC09221

Ujeeddada Safarkan ayaa salka  ku haysa U kuur galka Xaladda Gobolka Sool iyo Dhiiri galinta Ciidamada kala duwan ee Qalbka Sidaa iyo waliba Dar dargalinta Hawlaha Xisbiga Ucid ee Gobolka Sool .

Waxaa sidoo Kale ka mid aha ujeedada Socdaalkani ayaa ahaa sidii Xisbiga Ucid ugu wareejin laha Ciidamda Qalabka Sida ee Militariga iyo Ciidamda Police-ka  Geel Iyo Dawo .

Waxaana ugu horeen Dawooyinka la Gudoonsiiyay Ciidamda Police waxaana Madashi wareejintu ka dhacday ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay

DSC09245

“ Taliye waxaa weeye annagu Xisbi Mucaarad ayaanu nahoo iska foqoro ayaanu nahay Laakiin niyad wanaag ayaanu idin tusaynaa , ciidamadeena waa in wixii la tari karo la taro oo aan Dawladda lagu halaynin Markaa Geeli iyo Hilibki waxaanu siinnay Ciidamda Qalabka Sida , Dawadiina Police-ka ayaanu ugu tabarucnay , Niyad wanaag ayunbay naga tahay ee waanu ognahay in aanay ahayn wax idinku filan “

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo si watta Hadalkiisa ayaa ku dheeraaday qiimaha Nabadgalyadu leedahay Waxaanu Yidhi “  Markaa waxaanu jecelnahay shaqo adag ayaa haysaan , shaqada Nabadgalyad , markaa Nabadgalayada inoo adkeeyaa Dadka la saaxiiba in maanta ay nabadglayadu tahay Hoy ,maanta markaad aragto waddamadi muslimka Meelaha kaliya ee nabadda ah waxaa ka mid ah Somaliland wataa Yemen-tii loo tahriibi jiray maanta qaxoontiga ah , Nabadgalyada wax ka fiicani ma jirto waxaan ilaahay ka baryayaa in uu ilaahay nabadgalyada inoo adkeyo , dadkiina nabadgalyada hayyana waxaa naga mudantihiin  sharaf  iyo ixtiraam , ciidamda aaggan joogana waxay mutaysteen magac wanaagsan , Haddi ay Somalia maanta caqli leedahay kuweenan ayay gaxaysan lahaayeen oo kuwan African ah ee la leeyahay hablihii ayay xumeenayaan kuweena ka wanaagsan Innaga ayay ina gaxasan lahaayeen oo nabadda ku soo celin lahaayeen waxaan jecelnahay in aynu nabadgalyadeena adkeysanno , Somalia –da walaalaheenna waa in aynu gacan ka gaysanna sidii ay nabad u heli lahaayeen markaa waxaynu nahay calaamada Soomaliyeed ee lagu faano marka la yidhaa Somalia Way xuntahay , Ma xumaa oo Somaliland-ba waa somaali ayaa la yidhaahdaa sharafti soomaali innaga haynaa innaga awwalna hayn jirnay waxaan jecelahay in aynu dadkaa walaaleeno oo aynu mideenno insha allaah tacalaa waa idin hambalyeenayaa ..”

DSC09234

Taliyaha qeybta police ee Gobolka Sool C/Raxman Nuur Col Hayee ayaa isna si niyad sami leh oo farxadi ka muuqato uga Gudoomay waxaanu yidhi “ Waad Mahadsantahay Gudoomiye Runtii waan soo dhaweenaynaa si sharaf leh , Mahadnaqaana waanu gudoonnay Waana shaqo qaran iyo waajib qaran oo aanu u hayno qaranka iyo umadda horena waanu uga shaqeenaynay immikana waanu ka shaqeenaynaa Waxaanan mar labaad kuugu mahad naqayaa si sharaf iyo xushmadi ku jirto Dawadaa aad nagu wareejisayna waanu ka gudoonnay Police oo kaliyana ma lahaanayaan ee militariga waxbaanu ka siinaynaaa ..” Ayuu ku soo Gunaanaday Hadalkiisa Taliye C/raxman Nuur Colhaye

Geesta kale Waxaa Gobolka Sool magaalo madaxdiis Laascaanood Gudoomiyaha xisbiga ucid ku soo dhaweeyay Garaadka Guud ee Beelaha Gobolka Sool Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil isagoo ku qaabilay Guriga uu ka degenyahay .

DSC09246

Gudoomiyaha Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Garaadka ku tilmaamay Garaad Nabadeed waxaanu yidhi “ Garaadku waxaa weeye waa Garaadkii Nabadda Somaliland Weeye Waxaanu aad ugu faraxsannahay in ilaahay nala kulansiiyay , Hawshii wanaagsanayd ee uu ka qabtay Taleex ee u danbeesay ayaanu ku hambalyeenaynaa , waxaan odhan karnaa waa garaad lagu dayan karo oo umaddiisii la fadhiyaa , Magaaladiisi Jooga , Qaadka aan Cunin , Idaacadaha  aan ka hadlin , Tv-yada ka caytamin , Qabiil ku hadlin waa Garaad Qaran weeye oon siyaasadna galin Waxaan doonaynaa in madax dhaqameedka kalena ilahaay sida ka dhigo oo ay umadda dantooda ka shaqeeyaan oo aanay Dantooda gaarka ah ka shaqaynin , Garaad waan kugu hambleenayaa Kaalinta Fiican ee aad ka ciyaartid Nabadda iyo wanaaggaba

Waxaa ka dareen celiyay hadalka Gudoomiyaha Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil waxaanu yidhi “ Halkan Maanta waxaa igu soo Booqday Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo Qasrigayga ama Gurigayga iigu yimid isaga iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo , Gudoomiyuhu Salaan iyo Mahadnaq ayuu igu yimid Anna waan soo dhaweeyay waxaan leeyahay aad ayaad u mahadsantahay Gudoomiye ilaahay khayr ha ku siiyo , Umaddu waxay Maanta u baahantahay Nabad Colaad uma baahnaa , Nin walba wixii uu dhitaysto ayunbaa dhiisha u galayaa , Marka annagu sidaanu hore u sheegnay oo markaa aanu dadka la hadlaynoo aanu nidhaahdo Umadda Soomaaliyeed intii afkaa ku hadashaa Garaadkoodi ayaan ahay Meel kastoo dhib ka jirtanaa waajibbaa iga saaran in aan ka qeyb qaato , Markaa waad Mahadsantahay Nabaduna  iyada leh naas la nuugo waanu ku shaqeen jirnay waanan ku sii shaqeenaynaa insha allaah ” Ayuu ku soo koobay Hadalkiisa Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil .

 

Ugu danbeentii waxa hadlay Madaxda Xisbiga Ucid ee Gobolka Sool waxaanay u mahad naqeen Gudoomiyaha Ucid Booqasah uu ku yimid Gobolka sool iyo waliba Geella iyo Dawada uu Gudoonsiiyay Ciidamada Kala duwan ee Qaranka .

Si kastaba ha ahaate Socdaalkan uu Gudoomiyaha Ucid uu ku yimid Gobolka Sool ayaa Muujinaysaa sida Gudoomiyahani ugu kalsoonyahay Dalkiisa maadam madaxda la midka ahi aanay kaba soo ag wareegin Gobolka Sool kuwa soo booqdaana ay soo gaxaystaan Ciidan Tiro badan oo amanakooda suga .

Mana ahaa markii kowaad ee uu Gudoomiye Faysal Booqasho ku yimid Gobolka Sool balse Marar hore ayuu sidan oo kale u soo booqday Gobolka Sool .

Waxaan la filaya in uu Gudoomiyaha Xisbiga Ucid iyo waftiga uu hogaaminaya Ay maalinta Barri ay Xuska 18 May kaga qeyb galaan Gobolka Togdheer Magaalo Madaxdiisa Burco Halkaasna uu shacabka Burco ugu khudbadeen Doono Gudoomiyaha Ucid Eng Faysal Cali Warabe .

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

 

fikirkaaga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here