Gudoomiyaha Hay’adda Shaqalaha Somaliland Oo La Kulmay Mr. James Swan

0
734

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe, ayaa maanta kulan la yeeshay ergayga gaar ka ah ee xoghayaha guud ee qaramadda midoobay u qaabilsan Somaliland.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo uu warbaahinta ugu tallo galay, ayaa  guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda iyo Mr. James Swan ay ka wada hadleen hawlaha machadka tababarka shaqaalaha dawladda.

Farxaan Aadan Haybe,  oo ka warbixinayay kulanka ay yeesheen waxa uu yidhi “Waxaanu shir qaatay muddo  saacad ah  Hoolka shirarka ee hay’ada shaqaalaha ku wada yeelanay weftigii uu hogaaminayay ergayga gaarka ee xoghayaha qaramada Midoobay ee Arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya Mr. James Swan iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo,  oo ka koobnaa baddi madaxda ugu sarraysa ee hay’adaha qarmada Midoobay”.

“Waxaanu ka wadahadalay hawlaha machadka tababarka shaqaalaha dawlada ( Dawlada Dhexe iyo Hoose) iyo sidii loo sii horumarin lahaa si gaara machadka tababarka shaqaalaha dawladaha hoose oo dhawaan la aasaasay.

Si shaqaalaha dawladaha hoose loo tayeeyo aqoon, akhlaaq iyo feker ahaanba. Taasoo looga gol leeyahay in adeega hufan ay siin karaan dadweynaha magaalooyinka ay ka hawl galaan”ayuu yidhi Farxaan Aadan Haybe.

Waxa shirka igu wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha gudaha, agaasimaha Machadka tababarka shaqaalaha dawlada,  Agaasime ku-xigeenka Machadka.

Madaxda kale ee Machadka shaqaalaha dawlada oo dhamaan aan ugu mahad celinayo kaalintii wax ku oolka ahayd iyo fekeradii ay gole keeneen”ayuu yidhi guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here