Guddiga Doorashooyinka Puntland oo Maanta la dhaariyay + SAWIRRO

0
1008

Garoowe, (HargeisaPress) —Guddiga Doorashooyinka Puntland oo ka kooban 9-xubnood oo shalay Cod Aqlibiyad ah ku  Ansixiyeen Baarlamaanka Puntland  ayaa waxaa Maanta Dhiiriyay Madaxweyne ku Xigeenka Puntland Eng Camey.

 

Madasha lagu dhaarinayay   Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Axmed Cali Xaashi iyo xubin ka socodey Maxkamadda sare.

punt 3

Guddoomiyaha golaha Wakiillada  Puntland Axmed Cali Xaashi oo  hadal ka jeediyey Madasha Daarinta ayaa ku booriyay Gudiga Doorashooyinka Cusub inay Shaqadooda u gutaan Waajibaadkooda.

punt 2

Dhinaca kale Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camey) ayaa Gudiga Doorashooyinka ku amaanay Aqoonta ay u leeyihiin shaqadda la Magacaabey.

punt 5

Ugu Dambayn,Madaxweyne ku-Xigeenka Puntland ayaa  Shacabka Puntland ugu Baaqay inay la shaqeeyan Gudiga Doorashooyinka Puntland.

 

Mohamed Cabdi

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY