Guddoomiye Cirro Oo Kulan La Qaatey Guddoomiyaha Baarlamaanka Midawga Jaamacada Carabta Mr:Al-jarwani

0
735

Dubai, (HargeisaPress) —Guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland sida oo kalena ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro), oo muddooyinkii danbe socdaal ku joogay Imaaraadka Carabta,ayaa kulan la qaatay guddoomiyaha baarlamaanka midawga jaamacada carabta Mr:Axmed Al-jarwani.

Kulankan oo ka dhacay xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka midawga jaamacada Carabta oo, ayaa waxaa ay labada dhinacba iska xog waraysteen xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo sida oo kale dawladaha carabta, waxaana uu guddoomiye Cirro uga warbixiyey Mr:Al-jarwani tariikhdii dheerayd  ee ay Somaliland soo martay illaa 1960-kii iyo maanta heerka ay marayso, waxaana uu u sheegay in Somaliland ay tahay dal madaxbanaan oo xoriydiisii dib ugala soo laabtay waxii la isku odhan jirey Somaliya. Kana hir galeen hanaan dimuqraadiyadeed oo ay ka jiraan Axsaab badani.

Md:Cabdiraxamaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro), waxaa uu sida oo kale uu guddoomiyaha midawga jaamacada carabta uu u sheegay in illaa waagaas ay Somaliland sugaysay sida oo kalena ay tabaysay taageerada iyo iskaashiga jaamacada Carabta.

Mr:Al-jarwani oo ah guddoomiyaha midawga 22-dal oo carbeed isna u dhashay UAE-da sida oo kalena xafiiskiisu uu ku yaalo magaalada Abu-dubai, waxaa uu ugu horeyn sheegay in uu si aada ugu faraxsan yahay kulan uu la yeeshay guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland, waxaana uu tilmaamay in uu warbixintaas-na uu u gudbin doono dalalka Carabta, isaga oo sida oo kalena tibaaxay in ay sii wadi doonaan ka baarlamaan ahaan kulamada noocan oo kale ah.

Ugu danbeyntii waxaa kale oo maal maha soo socda loo balan san yahay kulamo kale oo noocan oo kale ah oo laga wada hadli doono sidii ay xidhiidh joogta ah u yeelan lahaayeen dawlada Somaliland iyo sida oo kale dalalka carabta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here